Nin dariskiisa dilay ka dib markii uu dhibsaday buuqooda

Maxkamada gobolka Blekinge ayaa xukuntay nin dariskiisa ku dilay magaalada Karlskrona ka dib markii uu sheegay in uu dhibsaday buuqa ka imaanaya gurigiisa. Maxkamada ayaa xukuntay in ninkaan lagu haayo goobaha dadka waalan.

Ninkaan ayaa dariskiisa oo 19 sano jir ahaa dilay bishii Janaayo ka dibna qirtay in uu dilay qofkaas ka dib markii uu dhibsaday dhawaaq ka imaanayay gurigaas. Waxa uu sheegay in uu midi qaatay ka dib uu ku garaacay guriga, isla markii laga furay ayuu midi ku bilaabay wiilka la dilay.

Ninkaan ayaa markii uu dilka geystay waxa uu aaday jaamacada Blekinge Tekniska Högskola oo uu ka shaqeynayay ka dibna waxa uu email u diray wargeyska magaalada ka soo baxa isagoo u sheegay falka uu geystay kana codsaday in booliska la waco.

Arintaan ayaa waxay na xasuusineysaa in aan ka foojiknaano in cidkasta aad gurigaaga ka furto, adigoon iska eegin.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

13 Responses

  1. Abu-Xudayfah says:

    War Meesha Bugta Iyadaa Is Oge ……… Somalaay , is jira.

    Waxaan u malaynaa , anaga dhanka codka Barwaaqo ayaan ka qabnaa ,
    ee hala gaa gaabsado , haddii kale arintaa ayaa qatar ah .

    Mida kale waxaa mararka qaar dhacda in qof saaxiibkaa ah uu albaabka kuu soo qarqaraaco isla markaana uu Gacanta u aadiyo meesha dadka laga fiiriyo isagoo kula cayaaraa.

    Balse runtii waa arin qatar wayn leh .

    Waxaa laga yaabaa in uu qof Qatar kale wata sidaa yeelo aad adna saaxiibadaa u qaadato , sidaa awgeed arinta aka deigtoonaada.

    Qofkii albaabka Gacanta kusoo aadiyo , haka furinina , xitaa haddii aad codkiisa garataan , ilaa uu gacanta meeshaa ka qaado qofka Albaabka Yaan Laga Furin .

    Mahadsanidiin.

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 1

  2. safka says:

    ha walahi been maaha anaaba markaan u tagayo walaahay oon booqasho ugu tago anoo cayaaraya meeshas daloosha gacanta iskaga aadsha foodo awgeed, mar mar way dhacdaa lakin waa inaan ka digtoonaano, ilaahow na bad baadi adigaa na bad baadin karee, naftu meelna ma jirto lakin tug haku dilo wax ka xun maleh

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 1

  3. Massago says:

    AbuuXadeyl
    Taaaas waa xasidnimo lakor dhabay lahoos dhabay adiga qof kuusoo garaacay xaad uga damoohee baqbaqa maad kafurtid kuleey waa qof danu kasoo gashaye.
    Somali hadaan nahay waxaan wali wadanaa dhaqanki hore ee ahaay in cusbo,,caano,,sanjabiil,caleeen iwm laga doonto diriska muga cunug yar oo 10 jiro maba gaaro hadow rabo maha leska damoodo oo uma jeedi kartid ama falaad aw u saaraa gacanta dhimasha necbido yaa ku dili jiray.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 3

  4. hamdi says:

    asc walahi waa naxdin dadkan wada istarays bayqaban ilahay hanaga najeyo somalida kaliyamahan ajinabiga oodhan wa qaylo socota ala ya ukena dhagcasta waxka qaylobadan malahn kuwas bakobka somalida kaqaday wa muhim in dalolka farta qofku hadusaro xita ila uu kaqado ad iska hubisa hakufurina aniga waligay kamafurin qof hadan ogahay inu igu dhelayo xita kama furo ila uukaqado fulaysanida ayay idhahan dadku waxn ku irahda wna ogahay inan dhimanayo wan ogahay sacadaydii inan dhafayn marka waxan kunolahay wadan an marti ku ahay marka wa inan hubsada qofka an kafurayo albabkayga darisna somali lama ihi 3 alabab ayan nahay oo siman anaga ka aha somali marka taxadarku wafiicanayahy ilahoow qof bani adam ah naftiisa aysan nasababsan dhiig wa xunyahay alow hanaglin anaga iyo intii islamaba dadku dhiga waba la fuuduaday wana calamadaha aqirulsamankan hala fejignado

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. cunaaye says:

    jimcaale walaal adigoo mahadsan waxaan kuwaydiiyey wiilkaan ladilay masomali baa mise waa ajaanibta kale mahadsanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Lama sheegin jinsiyadiisa balse waxaan filayaa kan la dilay iyo kan wax dilay in ay yihiin Swedish.

      U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. cunaaye says:

    sxb jimcaale waa mahasanyahay waxaad isiisay jawaab dhamaystiran waana ku qancay lkn jinsiyada dadkaas in la,ogaado waa muhiim kolay waan kaa sugaynaa hadaanahay bulshada ku dhaqan sewedan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Mahad_örebro.sweden says:

    Asc

    dhamaan walaalaha somaliyeed oo dhan

    Ka dib waa muhiim qofka in la iska fiiriyaa ileen qurbo ayaa joognaa waxaa jira

    dhalinyaro kaligooda degan wiil ama gabar waa muhiim in la taxa diro markastaa.

    xalay anigoo hurdaayo ayaa albaab iska furey xoog loo soo garaacey anigana

    ma fiirinin mana lahadlin waa iska furey waxa uu noqdey wiil aan sxb nahay

    ka dibna waan iska sii hurdey saakay markii aan toosey ayaa ku fekeray xalay

    waaba hurdeysay yaa albaabka ka furey wiilka sxb kaaga marka walaahi waa muhiim

    qofka in uu iska hubsado albaabka iyo markii qofka hurdaayo in uu taleefan qabto

    fadlan haddii aan wax qaldey iga raali noqdo asc all

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. ilhaam says:

    asc dhaman walahi waa qatar in leeska furo adigoon fiirin albaabka marka waa ficanatahy in la diktoonaato sababtoo ah waxan ku noolnahy qurbo xaldeeda ilah ogyahy marka ilah hana dhowro dhamaanteen

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. Abu-Xudayfah says:

    Ku Massago “:

    Ustaad nin akhyaarana waa , tahee sideey kaaga hoos baxday ?

    Mida koowaad in albaabka la iska fiiriyo waa Muhiim jiddan , xitaa qofka haddii aan aqaano oo uu farta meesha saaro , isla markaana codkiisa maqlaa , ka furi maa .

    Fulaynimo maahan ee waa taxadar , maxaa yeelay bini Aadam wax walbaa laga fishaa .

    Mida kale ee aad leeda Dhaqankii horaa wadataan , in deriska Caleen , cusbo , sanjabiil , laga doonto taa Diinta ayaaba na fare eoo waa wanaag , sida swedhishka kali noolkaana nolol maahan , waa kuwa iyagoo 3 sano mayda lafahooda guryahooda laga helo.

    Diintu na dhihi mee deriska ka wax kasooq aado , balse in Deriska haddii uu alaab kaaga soo baahdo aan loo diidin , ayay Diinta na faree , sida biyaha , cusbada , socnkorta , iwm .

    Marka walaal , Dhaqan Hore maahan ee waa Dhaqan wanaagsan ……..

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  10. xamdi says:

    walaahi waa iga cabsiiseen aniga gurigeygii hore wuu lahaa meesha la iska fiiriyo baqbaqa laakiin 2bilood ka hor ayaan soo degey guri cusub mana laha baqbaqa la iska fiiriyo soomaalina daris ilama aha waxaa ii dhow swedish iyo ajnabi kale oo badan weliba cunsuriyaal badan ayaa degen agteyda hada waan cabsanooyaa xaan sameeyaa walaalayaaloow

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. Abu-Xudayfah says:

    Walaal , Xamdi haddii aad tahay Gabar kaligeed degan , waa laga roonya haddiise dantu kugu qasabtay waxaa soomaalidu ku maah maahday , Khayr wax kuuma Dhibee Shar u Toog haay .

    Haddii aan macneeyu waxaa weeye , khayr ku haleela dhib malahan , ee Sharta u toog haay . Waxaa kale oo maah maah swedhish ah oo ranaysa .

    Hoppas På Det Bästa , Och Förbredda På Det Värsta.
    Rajeey Waxa Ugu Fiican , Kana Digtoonaaw Waxa Ugu Xun.

    Sidaa awgeed walaasheey Muslimadaa , waxaa wacan xaafada Soomaalidu ku badanta in aad dhex degto , haddii aad awoodo.

    Haddii aadan awoodina Alle talo saaro cid kugu soo xad gudbee ma jirayso Insha’Allah , balse Taxadar uun ayaan kaga jeedaa..

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  12. xamdi says:

    Waa mahadsan tahay Abu-Xudeyfah walaal taladaad i siisey Ilaahey ha na xifdiyo waan ku dadaalayaa inaan ka guuro meeshan aan kaligey ku dhex jiro oo aan u guuro xaafadaha soomaalida waa runtaa taxadarka waa muhiim awal cabsi iguma jirin laakin hada waa inaan fikiraa markastana Alle ayaan talosaaranayaa Iinsha Allaah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0