Nin diiday in uu salaan ka qaado sheefkiisa oo magdhow la siiyay

34

Kamuunka Trollhättan ayaa go’aamiyay in lacag gaareysa 30.000kr la siiyo nin Soomaali ah oo diiday in uu salaan ka qaado Handshakemadaxa shaqada ee qeybta isdhexgalka. Ninkaan ayaa markii uu diiday in uu haweeneyda salaanta ka qaado ayay haweeneydii ka carootay arintaas iyadoo amartay in uusan ka baraatiik ka samayn karin goobta haddii uusan dumarka salaanta ka qaadin.

Sababta uu u diiday in uu salaanta uga qaado haweeneyda ayuu ku sheegay in ay mamnuucayso diintiisa in raggu ay salaamaan dumarka, sida uu qoray wargeyska TTELA. Ninkaan ayaa ku dooday in haddii uu salaanta ka qaado haweeneyda uu ku qasbanyahay in uu isnadiifiyo.

Ka dib markii haweeneydu u sheegtay in uusan ka shaqeyn karin goobta haddii uusan dumarka ka qaadan salaanta ayuu ninkaan diiday arintaas isagoo dacwad u gudbiyay xeer ilaaliyaha cunsuriyada (Diskrimineringsombudsmannen-DO) balse inta aysan arintu gaarin DO ayaa kamuunka Trollhättan waxay go’aansadeen in arinta si hoose ku dhameeyaan iyadoo ninkaan la siiyay 30.000kr isla markaana haweeneyda digniin la siiyay.

Kamuunka ayaa sheegay in ninkaan maadaama uu ku dooday diintiisa dartiis in uusan u salaami karin haweenka uu xaq u leeyahay magdhow, waxay sidoo kale sheegeen in aysan doonayn in DO arinta ay go’aan ka gaadho taasoo keeni karta maxkamad iyo qarash badan.

Dhinaca kale mid ka mid ah dadka turjumaanada ka ah kamuunka Trollhättan oo lagu magacaabo Yassin ­Hassan ayaa wargeyska u sheegay in ninkaan uu yahay mid si xagjirnimo ah sharciga u fasirtay. Waxa uu sheegay in aysan quraanka ku cadeyn in aysan ragga iyo dumarku gacanta isgalin karin isla markaana ay quraanka ku cadahay in uu qofku shaqeysto. Waxa uu sheegay in haddii qofku uu shaqo doonayo ay lagama maarmaantahay in uu salaamo dadka kale.

Sidee u aragtaa arintaan? ku darso fikradaada…

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here