Nin hooyadiis ku dilay Eskilstuna

2

Booliska magaalada Eskilstuna ayaa toogasho ku dilay nin hooyadiis midi ku dilay. Deriska ayaa booliska ogeysiiyay rabsho ka socotay guriga haweeneyda oo 50 sano jir ahayd markii booliska yimaadeen ayay arkeen hooyada oo meyd ah iyo ninkaan oo midi gacanta ugu jirto.

Booliska ayaa amray in uu iska dhigo midida ayagoo toogasho ku dilay ninka asagoo markii hospitalka la geeyay halkaas ku geeriyooday.

Booliska ayaa sheegay baaritaanka xaalada in dib loo dhigayo maadaama labada qof ee arintu quseyso ay geeriyoodeen.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here