Nin hooyadiis oo 73 sano jir ah dilay

9

Nin 38 sano jir ah ayaa shalay la soo xiray ka dib markii la sheegay in hooyadiis oo 73 sano jir ah uu ku dilay jasiirad u dhow magaalada Västerås. Ninkaan ayaa qirtay dambiga lagu soo oogay balse aan cadeyn sababta uu u dilay hooyadiis oo waayeel ah.

Booliska ayaa helikobtar iyo doon ku tagay guriga lagu dilay haweeneydaan ka dib markii ninkaan xaaskiisa ay wacday oo u sheegtay in sodohdeed ay dhimatay. Booliska ayaa sheegay in ay aaminsanyihiin in hooyadaan naqaska lagu xiray oo sidaa ay ku geeriyootay.

Sidoo kale warar ayaa sheegaya in nin kale uu hooyadiis ku dilay magaalada Göteborg. Dhacdooyinka nuucaan ah ayaan layaab ka ahayn wadankaan iyadoo uusan wanaagsaneyn xiriirka u dhexeeya waalidiin  badan iyo caruurtooda.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here