Nin imaam isku sheegay oo nikaax u samaynaya lamaane dumar ah

Ninka lagu magacaabo Ludovic Mohamed Zahed oo isku sheegay in uu yahay Imaam oo hada ka hor Masaajid ay khaniisiintu ku tukadaan ka furay magaalada Paris ee wadanka France ayaa isbuucaan magaalada Stockholm ka samaynaya nikaax kaasoo uu isku nikaaxinayo labo hablood. Ninkaan ayaa laftiisa waxaa qaba nin kale.

Ninkaan oo hada ka qeyb galaya isku imaadka iyo dabaaldegga qaniisiinta ay ka samaynaya magaalada Stockholm ayaa maalinta jimcaha sheegay in uu isku nikaaxinayo labo dumar ah oo lagu kala magacaabo Maryam Iranfar iyo Sahar Mosleh oo mid ka mid ah ay cuuryaan tahay.

Arinta cajiibka ayaa ah in saxaafada qaarkood aysan cadayn in uusan ninkaan imaamka isku sheegaya ahayn imaam caadi ah. Balse uu yahay nin isaga laftiisu khaniis ah.

Magaalada Stockholm ayaa isbuucaan waxaa ka bilowday isku imaadka khaniisiinta halkaasoo ay ku soo urureen kumanaan khaniisiin ah oo ka kala yimid daafaha Yurub iyo caalamka. Isku imaadkaan ayaa sanadkiiba mar la qabtaa. iyadoo lagu magacaabo Stockholm Pride.

Sidee kula tahay arintaan? ninkaan Imaam ma lagu tilmaami karaa?

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

12 Responses

  1. jeylaani says:

    haa waa Imaam wuxuna u yahay khaniisyada Nacalad haku dhacdee, Imaam wa horjooge maha kelmad niidi ah wa carabi qofku waxa uurabo ayuu Imaan ka noqonkaraa kana wa gaal khaniis ah wana Imaam Khaniis, ilaah hacaladiisa haku dhuftee

    Fikrad lala dhacay Thumb up 14 Thumb down 1

  2. shaadiya says:

    Jeylaani aqoon daro ayaa Ku haysa ha danbaabin’ Ma ogtahay in Muslinka kalmada uu isticmaalo aanay noqon Karin Kalmad Guud oo waxan oo kale loo istic maali Karin iimaam micnaheedu ma sahlana waana mid muslinka mid Ku kooban. gaalkana wuxuu magacaas ULA baxay wuxuu rabaa in adoo kale baaska khaldan u qaato oo wax ma garato ah’ kuyeeh khaniisiintuu Imaam u yahay. Maamulka webkan waxaan ka Codsanayaa in Aanuu warar sidan oo kale ah oo Islaamka lidi Ku ah aanuu soo Gudbin waayo waxaa laga yaabaa in so khaldan ay dadka caqli gaabka ahi u fasirtaan wax kale sida ninkan yidhi khaniiska horjoogohoodu waa Imaam. Subxaan

    Fikrad lala dhacay Thumb up 9 Thumb down 2

  3. MAXAA INALA GUDBOON? says:

    DHAMAAN WAXA LOO WADA NOQONAYAA DHANKA RABI, ILAHAY AYAA DADKA WADA XISAABIN DOONA SHAR AMA KHAYR WAXII AAD GASHO RABI AYAA KUGU ABAAL MARIN DOONA, ADUUNKAN WAA ARAG OO DHAAF, HADII AAD AWOODO WAX U SHEEG HADII UU QADAN WAAYONA ISKA DHAAF KALIYATA, RABI TALO KU FILAN

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  4. kelmada imaam waa kelmad lo yaqaan dadka musliminta ah imaamna waa kan an salada ku xirano marka waxey aniga ila tahay in aan ninkan anla dhihi karin imaam e la dhihi karo ki duleesnay allena waxaan ka baryaya in kuwa waxas o kale ku ka u mujiso kuridointa ey nool yihindadka musliminta ahna waa in ey kuwaas ka habaran masajidada iyo meelkasta oo dadka musliminta ah ey iskugu yimadan

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  5. WAXAAN UMALAYNAYAA KEELMEDA IMAAM WAAY KUKHAL DANTAHAY MEESHA KELMEEDA IMAAM WAXAYNU UNAQAAN IMAAMKA INA TUJIYAA WAANA SIDA MUUSLIN KU HABOON MARKAA HABA SOO QOORIN IMAAN EE WAXAAD SOO QOORTA KHASIISIIN TA KUU HOORFADHIYEEY

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  6. ASC..ANIGE WAXAAN LEEYAHAY OO KALIYA INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN..
    IMAAM AA IMAAM AA ALLOW ADAA AWOOD LEH OO QAADIR AH ..IMAAM SEE LOOGU MAGACAABI KARAA QOF SIFAADKAAN LEH ..

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  7. ASC WR WBR… ANIGU WAXAAN KU ORAN LAHAA JIMCAALE SXB WARKAN OO KALE HASOO QORIN WAAYO WAXAABA LAGAYAABAA IN UU DAMBI KAARAACO HAL QOF OO KU YIRAAHDO WAA NIN FIICAN OO UU KU QANACSAN YAHEY WAXAAS XUN MARKA WALAL MACAANE WEBKA KA ILAALI WAXAAS XUN XUN OO DHAN INTAAS AYAAN KUGULA TALIN LAHAA
    WAANA MAHADSAN TAHEY WSCWRWBR

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 2

  8. Suhuur says:

    Jimcaal wiilka LA dhoho ee webkan iska leh’ kolba qofkii mawduuciisa jeclaada ama soo dhaweeya ‘ calaamad Huruud ah ayaa lagu highlight garaynayaa Comentkaas yacnii Laguna shaqlayaa’ adeer hadaad khaldantahay in wax laguu sheego hadaad diido oo wanaaga aad ka dhaga adaygto adiga iyo meel xunbaa is leh xumaaanta aad dadka usoo qorayso kadaa’ wax kaloo ka faaiido badan maad wayday ood soo qorto.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 5

  9. Faai.id says:

    Asc wr wbr hadii aan aqriyey mowduucaan iyo eedeynta la isku soo jeedinayo, waxaan ka iri Soomaaliyeey qilaafka iska dhaafa oo ha isku mashquulinina adinku. kaliya wax ha la isku faa,iideeyo qoraha maqaalkana ha eedeynina shaqadiisana u daaya. Tan ereyga la isku hayaa waxaa wanaagsan in aan karaameyno ereygan Iimaan sababtoo ah waa iimaanii diinta e hogaaminayey Islaamka dhan amaba salaada Iimaan noogu noqonayey. Laakiin hadii dhan kale loo dhigo oo Af-Soomaali la isla aado erey bixinta waa in caadi loo fahmaa carabigana loo fasiraa sida uu yahay Af-Soomaali ah ahaan wax aan karaameyno ayaa erayo caadi ah u ah carabta. Tusaale Kutaab Soomaalidu kitaabka qur,aanka ah ayey u taqaan waana karaameeyaan. Laakiin caadiyan carabiiga waa buug kitaabku. Laakiin bal kitaab qur,aan ah waxaad dhahdaa Af-Soomaali ahaan waa buug kitaabka qur,aanku. Tusaale kale xadiith waa sheeko Af-Soomaali ahaan xaqiiqiyan laakiin cidi kaa yeeli meyso taas waase sax. Tanina waa la mid. Sidaas daraadeed Af-Soomaaliga saxdaa dad baa ceeb u arkaya ee ha oo raadsho gudi Af-Soomaali oo isla fahma erey bixinta Af-Soomaaliga casrigan ah.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. layla says:

    Walaalayaal ninkaan waa kamuuqataa inuu yuhuud yahay oo maanta qaxa diinta islaamka inet dhulka ku jiido oo wasaqayso rabto waa yuhuud waligedna saasbey eheed lakinse muslimkii baa daciifey aaa kuwaan oo kale maba joogeen dunidan hadii muslumku ahaan lahaa mid awood keh hadalkiisuna socdo waad aragtaan gabeen iyo maalin muslim lee lacadaabaayaa muslum lee shib ku jirro illah haka qaadee xataa yuhuudu waxa ka dhacaaya wadankeena oo dhib ah iyo dadkaan dadka iska dilaaya bilaa sababaka iyagaa kadambeeyo meelkasta oo dil muslim kadhacaayo iyagaa kadambeeyaan waana ku dhaarteen in muslimka ey aduunka ku dhibaan. Illaahbaana ka awood badan mid ushaqeeyo iyo mid lashaqaystaba waxaan dhahaayaa alle ayaa dhahay.Wallahu khayrul maakiriin. Kanoo kalana imaam maahan jahanamo ayuu katujin doonaa kuwa lamidka ah i sha alllah.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  11. Nin kayaabay warkan!!!!! says:

    SUBXaanaka Yaa Cadhiim!!! WAMIN AAYAATiHII …!!! Kkk Wasa Halkii Cabdi goodee

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. Alle Aamin says:

    Jimcaale walaalow waxyaabaha xun xun hadiiba aadan soo qaadan dhib miyeey leedahay. Anaga dhaqankeena qaniis iyo waxaan lasheegaayo kama mid ahan, ee waxaa kugula talin lahaa in aada soo warin waxyaabahaan oo kale. Mahadsanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0