Nin Khat waday oo xoog ku jiiray booliska ka dibna shil galay

Nin doonayay in uu soo galiyo 200kg oo Khaat ah wadanka Sweden ayaa shil ku galay buundada Öresund ee isku xirta Sweden iyo Denmark ka dib markii ay boolisku isku dayeen in ay baaritaan ku sameeyaan baabuurkiisa.

Ciidanka xuduuda ayaa markii ay joojiyeen baabuurka ninkaan waxay isku dayeen in ay baaritaan ku sameeyaan isaga oo si kadis ah baabuurka sheelaraha cagta ku qabtay taasoo keentay in boolisku ay cayriyaan. Mudo markii la eryaayay ayuu xayndaab ku dhuftay baabuurka isagoo markii dambe hospitaalka la dhigay.

Ninkaan ayaa la sheegay in xiliga uu baabuurka waday in uu sidoo keliya cunayay khaatka. Waxaa la filayaa in lagu soo oogo dambiyo kala ah, si xad dhaaf ah baabuur u wadid, isaga oo daroogeysan in uu baabuur waday iyo in uu daroogo wadanka soo galiyay.

Ilaa hada lama sheegin magaca iyo dhalashada ninkaan oo 20-sano lagu sheegay balse waxaan qiyaaseynaa in uu Soomaali yahay.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

14 Responses

  1. yuusuf says:

    asc lkn ninka khaadka waday jinsiyadiisa waa kuma ma aydaan soo sheegin ma soomaalibaa mise waa ruush mise waa swedhish ? fadlan jinsiyadiisana kusoo dara mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

  2. qudus says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 1 Thumb down 6

  3. qudus says:

    I would appreciate the sweden government to accept Khat for all Somali. Khat is not an illegal drug in the UK so it can be used or sold without penalty. Therefore I recommend to sweden Government accept that it’s our culture.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 4

  4. MAHAD OMAR says:

    KHAAT KA WAA WAXA WADANKEENA LA DAGAY SIDA INTA BADAN CULINADDU ISKU RAACDAY QAADKA WAA MAAN DOORIYE WAANA XAARAAM IN LA CUNO AMA LAGA GANACSADO MARKA WAXBA YEEYNAAN QIIL U RAADIN QUDUS WALAALW

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  5. Abubakr says:

    kan weydiinaayo jinsayada maxaa si ka ah, caqlli gaabanaa ma qofaan Somali ahayn maa Khat halkan keena. laguma dhihin nin daroogo keenay ayaa la qabtay fahankana waa kuug yar yahay. Khaat ayaa lagu yiri isku noqo sxb ilaahayna maskax meesha fiican wax looga fiiriyo haku siiyo.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  6. الله أكبر says:

    kkkkkkkk Qoralka uma Jedid miya kuso dara jinsiyada kkkk lama oga lagu dhaahay lkn waa u jeda waa Somal le waye ya kale oo cuna sida xolaha yaman lkn wanadkede la jogta dadka kuma so dhexgasho

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. الله أكبر says:

    lolz Abu bakr

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. mandeq says:

    wlh cadi mahan indha adeeg wadhemeyeen lolz

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  9. Khadija says:

    Asc, Qudus walaalow/walaaleey waxan ku weydiiyay goormey soomaaliyi qaadka dhaqan u yeelatay waa cajiibe, mise soomaalidaa kala dhaqan duwan oo qaar cusub oo qaadku dhaqan u yahay ayaa soo baxay intii burburka!.
    Waxaabad rabtaa in sida Uk iyo Holland qaadka sweden ay fasaxdo Alle ayaan ka magangeleynaa dhibta aad noo saadineyso, waxaana sidaan u leeyahay waxan ognahay dhibta kala haysta reera badan oo soomaaliyeed uu qaadku burbur xoog leh u geystay amase hadaan si kale u iraahdo dayac xoogan kasoo gaaray kadib markii Aabihii amase Hooyadii ay balwadaas xun ilowsiisay xilkii ka saarnaa qoyskiisa/qoyskeeda ugu danbeyntiina caruurahoodii laga qaatay.
    Anniga waxan qabaa oon hubaana in hooyooyin iyo aabayaal badan ila aragti yihiin in lagu soo rogo ciqaab adag kuwa ka ganacsada iyo kuwa isticmaalaba.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  10. dadir says:

    waxaan qabaa aniga in labaaro xitaa dadka dareenada iyo basaska ku safraayo borsoyinkoda

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  11. Ragiihore says:

    War jaad kii ahaaana qurbaha ileyn waaa kajiraaaa xaaan uqabay ookaliyah somalia bas ahe? Saasaa lafadeeee, kenya aan ku arkijirey niman iyo naago soomaali ah waliba under age ah oo shiishad iyo jaaad waqtigooodii kulumiyay xataaa dhaqaaalahooodii kuwaaayay, qofkale ama cadaan ah ama madoow ah mageeyo dibadahaaas oo soomaali okaliyah weeye ee somalay tashada ilaaahay dhulka idiin jarye, war waxu sameys xumaaaa? Warkaaalay xataaa inyar oo sharaf ah xata idiinkumahrin miyaaa? Wadan aadan udhalan oo aad qowsaar katahay hadana inaad contrapan iyo wax ay kaxishoodeeen gaaladii ilaahay kucaasiday inaaad kusameysaaan ilaahay dulli idinbad kuwan magacii somaliyed way kuciyaareeen

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  12. jacfar xaaji says:

    sheeeko…………….! cagtii joogsan weydo marbeey ceeb la kulantaaa:)

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  13. Jimcale-Assad says:

    Sidaan ognahay Khaad ka ama daroogada waa waxa wadankeena maanta bur buriyey mana dhihi karno hala fasaxo . khaad ka waa waxa dhalinyarteena badankood dib u dhigay Waxaan aqaana qaar sweden khaadka ku cuno Guryahooda xitaa ma yaalo wax cuno ah waxaan qabaa in laga mamnuuco Holland iyo UK

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. Samsam says:

    Subxanallah.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0