Nin lagu xiray Göteborg.

1

Nin ayaa lagu xiray magaalada Göteborg ka dib markii looga shakiyay in uu qorsheynayay in uu falal argagixiso ka fuliyo dalka Soomaaliya, Sida laga soo xigtay Hay’ad Amniga ee Sweden (Säpo).

Ninkaan oo haysta dhalasha Sweden ayaa la xiray subaxnimadii Talaadada ayadoo maxkamadi ay amartay in la soo xiro.

Marki hore ayaa sababta xarigiisu lagu sheegay ‘in uu khatar ku yahay amniga wadanka’ balse booliiska ayaa ka dib sheegay in loo heysta ninka in uu qorsheynayay in uu geysto falal argagixiso.

Booliiska ayaa laga doonayaa in ay ninka dambi ku soo oogaan ama iska siidaayaan maalinta Jimcada.

Ninka magaciisa, dambiga dhab ah ee loo heysto iyo qorshaha ayaa intabada laga qariyay saxaafada.

Waxaan ka soo xiganahay The Local.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here