Nin loo diiday inuu qaato taariko baabuur sababo la xirriira magac cajiib ah oo ku qoran

0

Dalkaan Iswiidhan waxaa la ogal yahay in qofka lambarro kooban oo qaarkood magac noqon karo uu ku dhegsado gaarigiisa (taariko ahaan) hase ahaatee magac kasta oo maskaxdiisa ku soo dhacda uusan  qaadan karin. Taasi waxaa xadidaya sharciga u degsan wasaaradda gaadiidka.

Haddaba sheekadan oo aad xiiso leh ayaa waxeey tahay nin 37 jir oo degan degmadda Nässjö ee dalkaan Iswiidhan uu codsaday in uu qaato taariiko nambar oo xarfo ah, xarfahaas oo markii la eeggay noqday “RUMPA” oo afka soomaaliga noqoneysa bari ama dabo. Waaxda gaadiidka ayaa ganafka ku dhiftay codsiga ninkaas iyagoo u arka inuusan aheyn erey habboon oo la qaadan karo. Ugu dambeyntii waaxda gaadiidka ee Transportstyrelsen -ka, waxeey go’aankoodi diidmadda ahaa ku sheegeen in uu jiro sharuuc u degsan hanaanka uu yeelan karo taariikada baabuuradda dalka ee aanu noqon karin mid abuuro guux iyo muran.

Somaliska.com-Göteborg

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here