Nin magangalyo doon ah oo ka soo booday dabaqa lixaad

41

Nin magangalyo doon ah oo la doonayay in lagu celiyo dalkiisii ayaa ka soo booday dabaqa lixaad ee dhisme ku yaala magaalada Malmö.

Ninkaan oo u dhashay Ciraaq ayaa sheegay in cabsi darteed uu uga soo booday baalkoonka ka dib markii labo ka mid ah ciidanka booliska xuduudaha ay guriga ugu soo galeen iyaga oo qeylinaya isla markaana doonaya in ay saaraan diyaarad loogu celinayo dalkiisii Ciraaq.

Ninkaan ayaa markii ay boolisku ku qabteen guriga saaxiibkiis waxa uu isku soo xiray qolka jiifka isaga oo ka dibna ka booday baalkoonka. Dabaqa oo aad u dheer ayaa hadana ninkaan aysan gaarin wax dhaac weyn isaga oo ka jabay lug. Isla markiiba waxaa goobta yimid ambalaaska iyo boolis kale. Booliska ayaa la yaaban sida ninkaan uu ku doortay in uu ka boodo dabaqa lixaad.

Si kastaba ha ahaatee, ninkaan ayaa hada yaala hospitaalka oo aan la celin doonin ilaa uu ka caafimaado.

Midee ayaa dooran lahayn:  in aad ka boodo dabaqa lixaad ama in Soomaaliya lagugu celiyo?

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here