Nin Muslim ah oo shaqada lagu cunsuriyeeyay

Nin Muslim ah oo ka shaqeeya magaalada Göteborg ayaa dacwad ka gudbiyay shirkadiisa iyo dadka la shaqeeya ka dib markii Muslims-prayinguu sheegay in cunsuriyad lagu sameeyay. Ninkaan ayaa dacwadiisa waxaa ka mid ah in lagu amray in uu garka iska xiiro iyo in lagula kacay hadalo la xiriira galmada oo uu dhibsaday.

Ninkaan ayaa sheegay in markii ugu horeysay ee laga qaaday interviyuuga loo sheegay in Swedishku ay yihiin cunsuriyiin isla markaana  maadaama uu u shaqeeyo shirkad Swedish ah uu garka iska xiiro. Ninkaan ayaa sheegay in uu garka iska xiiray balse uu arintaas dhibsaday. Waxa kale oo uu sheegay in loo diiday in uu salaada tukado xiliga ay shaqaalaha kale sigaarka u baxaan.

Xafiiska ka hortaga cunsurida (Diskrimineringsombudsmannen – DO) ayaa hada ka dalbaday shirkada in ay ka jawaabto su’aalo la xiriira dacwada ninkaan. Waxaa la filayaa in go’aan laga soo saari doono dacwada ninkaan.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

2 Responses

  1. AbuXudayfah says:

    Asagaa Is Dulleeyay Markuu Gerka u Xiiray Shaqo Awgeed, Diintaada Marnaba Tanaazul Ma La Geliyo , Allaah ayaa shaqada ku siiyay :Isagaana laga baryaa , wixii Dar Allaah looga tagana Allah ayaa wax ka kheyr badan Kuugu Bedelaa.

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  2. mohamed abdi says:

    waxaan dhihi lahaa waa arin xun waana wax markasta dhaca markad wadan gaalo joogtid mida kale ma aheeyn inuu xiiro garkiisa risaaqada alaa bixiyo wax walbo alaah tiisaa kaweyn markastana waa inaad diintaada kudhaganata dhiiga uhurdaa asna waa uukuqaldanay inuu xiiro ilaah mahad iskaleh adinkana waad mahadsantihiin hadaad tihiin somaliska sidaaad shada ukudataan waad kumahad santihiin dhamaantiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1