Nin sodohdiis haraati ku dilay ka dib muran dhexmaray

10

Nin ku nool magaalada Borås ee galbeedka Sweden ayaa lagu xukumay 3 sano oo xabsi ah ka dib markii uu haraati ku dilay sodohdiis oo 60 sano jir ah. Muranka dhex maray ninkaan iyo sodohdiis ayaa ka bilowday ka dib markii uu soo dajiyay qorshe lagu qiyaanayo dowlada.

Qorshaha ayaa ahaa in ninkaan uu noqdo caawiyaha haweeneyda waayeelka ah, isagoo mudo si qasab ah uga saxiixayay warqadaha lagu qaato lacagta. Ka dib markii uu qilaaf ka dhashay arintaas ayuu ninkaan haraati feeraha uga dhuftay haweeneyda waayeelka ah taasoo keentay in mudo ka dib ay u geeriyooto dhaawaca soo gaaray.

Si kastaba ha ahaatee, ninkaan ayaan lagu xukumin in uu dil geystay balse waxaa lagu xukumay in uu weerar geystay isagoo 3 sano oo keliya xabsi ku jiraya. Sidoo kale ninkaan ayaa la ganaaxay 180,000kr oo la xiriirta jirdil uu u geystay xaaskiisa iyo walaasheed.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here