Nin soomaali ah oo carruurtiisii loo ogolaaday xaaskiina loo diiday

Aabe soomaali ah oo lugu magacaabo Maxamed Yuusuf Cali oo muddo sideed sano ka hor dalkaan Iswiidhan yimid, ayaa da daal dheer oo u galay in reerkiisa loo keeno, ayaa ugu dambeyntii laanta socdaalka ku wargeliyeen in carruurtiisa oo keliya loo ogol yahay, halka xaasikiisa loogu diiday soomaalinimadeeda oo aan cadeyn.

Laanta socdaalka ayaa Maxamed Yuusuf waxaa ay qaaday dhiigga DNA-ga si loo ogoaado labbo carruur ah oo u dhalay iney yihiin ilmihiisa iyo in kale. Warqad qoraal jawaab ah ah oo la xirriirta dhiiga laga  qaaday ayaa loogu sheeay in wiil labo jir ah iyo gabadhiisa oo toddobo bilood jirta ay yihiin ilmihiisa sidaana  ay ku imaan karaan Iswiidhan, hase ahaatee aan hooyadood soo raaci doonin sababo ay ku sheegeen inaan jirin cadeyn dhab ah oo soomaalinimadeeda muujineysa.

“Waa arrin xanuunkeed leh luguna qasbayo waalidka talaabo xun” ayuu yiri Maxamed oo sheegay inuu ka door bidayo inuu sii raaco diyaarad intii uu carruur iyo hooyadood kala kaxeyn lahaa. Maxamed Yuusuf oo dagan gobolka Nörrköping ee dalkaan Iswiidhan ayaa sidoo kale sheegay inuu ku qasban yahay in sanadkiiba uu dhowr mar ku soo booqdo reerkiisa Itoobiya.

Laanta socdaalka ee dalkaan Iswiidhan ayaan aqoonsaneyn dukoment -ti kasta oo ka soo baxa Soomaaliya tan iyo wixii ka dambeeyey ridistii dowladii dhexe, arrimahaana waxaa ay sooomaalida dalkaani ku keeneen dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin inaan qofka soomaaliga ahi la aqoonsaneyn soomaalinimadiisa, sidoo kalena ku qaadan karin dhalashada dalka muddo shan sanno ah. Arrimahan soo la laabta ayaa imanaya xilli la filayo in dhawaan waraaqihiisa danjirenimo laga gudoomo safiirka ay Soomaaliya u soo magacoowday dalalka Iskaandanefiyanka ee waqooyiga Yurub Cawaale Kullane. Soomaali badan ayaa waxaa ay rajeeyneysaa in danjirahan cusubi wax ka badali doono dhibaatooyinka xagga socdaalka iyo jinsiyadaha ka heeysta soomaalida.

Faafi mowduucaan

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

7 Responses

  1. ismail says:

    hhhhhhh timirtii hore dabloowaa safaarad somalia yurub lagadhisaa maxey sokordhinee mase shaqsi qabiil ayaa lagu naas nuujinaa tuugo tuugo dhashay yurubna inaad dhiiga dadka somali ugucabtaan miyaa rabtaan

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 3

  2. Ismaaciil, xaaraami ayaa tahay yurub iyo meel walbo waa lagugu wasayaa, maskiin yahoow laangaabka alle ka dhige.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

  3. Um khalid says:

    Asc wiilka xaaskìisa loo diiday maxa lagu diiday? MV muxu ku sababeye diidmada? Walal loyar qabso ha cadeeyaan diidmada waxas wax raad leh ma ahan ka dacwoo? Asxabta kale yaa war ka hel dadki 2 sano lagu heestay?? Jwb thanks.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. ALI says:

    Asc all markaan aqriyay qoraalka walaaleey loogu diiday xaaskiisa ilmahana loogu ogolaaday Ani ahaan waxeey ilatahay in oowsan soo kaxesyn ilmaha wayoo ilmo hooyadood lasocon galada maska xiyan waxeey rabaan in eey ka qaataan udaa hooyadood hadeeyna la socon allaahna kuu dhaafo ilmaha iyo hoyadood

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. umu muscab says:

    asc dhaman asxabta aniga waxan ka mid ahay dadka lagu hesto 2 sano dacwadi ugu dambesay waxan xarenay 2015 bishi sedaxad 23 deda dhig wan nagala qaday ilaa hada jwb mali baby kale dhalay dhiga waa laga qaday sanadki dhamanayi bishi lixad 8 dededa ilaa hadane jwb male marka wadadkeyga markuw waco magareshinka waxey leyihin wali go an maka garin ee maxey dhihi donan ad isledihin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. Omar says:

    asc asxaabeey dhibaata wayn ayaa jirto somalida in ay soo baxaan oo mudaaharaat ka sameyaan weyan ilmo iyo hoyadood lakala reebaayo intee lagu arko dunida hadii aan ka aamusno waligay sidaan un ahaaneynaa marka qofwaliba oo somalinimo ku jirto caaweyaan walalahooda oo dhiban hadii ay xitaa caruur ka maqneen

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Um khalid says:

    Umu muscab dhecaan mala qaaday qofka ku dacwoonayo oo inta joogo. Taas waaye mushkiladda. Hadii 2 dhinac laga qaado jwbta wexey u badantahay postive lkn hadii wali uu qofkiin dhimanyahay waa dhibaato. Aniga ayaa 2015 codsane ilaa iyo hadda dhecaan manalo soo tuurin. Odeyga lkn wa laga soo qaday. Insha allah kheer abayo.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *