Nin soomaali ah oo horey xaaskiisa u dilay oo dhageeysiga dacwadiisa ka bilaabatay Noorweey

1

Maxkamad ku taala magaaladda Begen ee dalka Noorwaay ayaa maalintii shalay aheyd waxaa ka bilaabatay dhageeysiga dacwad lugu soo oogay nin soomali ah oo xaaskiisi sanadkii hore mindi ku dilay.

Ninkan soomaaliga ah ayaa sanadkii hore markii uu dilay xaaskiisa waxaa uu isku dhiibay booliska oo ku wargeliyey inuu dilay gabadha uu qabay. Ninkan iyo xaaskiisa ayaa isku lahaa  shan carruur ah kuwaas oo qaarkood ku sugnaa guriga markii uu dilayey. Gabadhan ayaa markii dambe waxaa ay u dhimatay dhaawacii ka soo gaaray mindidii uu ninkeedii ku dhiftay. Dacwadaha kale ee ninkan loo heeysto ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah in carruurtiisa uu jir dili jiray, maalintii uu xaaskiisa nafta ka jarayeyna ay carruurtiisu joogeen guriga.

Si kastaaba ahaatee Noorweey waxaa ay ka mid tahay dalalka ay soomaalida u soo hayaamtay markii dalkooda hooyo ka dhacay dagaalka sokeeyo. Mana ahan falkaani kii ugu horeeyey oo noociisa ah oo ay ragga soomaalida dalkaasi ku kaceen. Kiiskan dacwada ah waaxaa uu noqonayaa kii shanaad oo nin soomaali ah dacwad loogu soo oogo sabab la xirriir dil u geeystay xaaskiisa.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here