Nin Soomaali ah oo magangalyo doon ku dilay Norway

26

Booliska Norway ayaa soo xiray nin Soomaali magangalyo doon ah oo lagu eedeeyay in uu midi ku dilay nin kale oo Afghanistan u dhashay.

Dhacdadaan oo ka dhacday magaalada Bergen ayaa la sheegay in uu nafta ku waayay nin Afghanistaan u dhashay halka mid kalena uu si xun u dhaawacmay. Booliska ayaa aaminsan in falkaan uu ka dambeeyay hal nin oo Soomaali ah balse waxay kexeeyeen magangalyo doon badan oo loo arko in ay yihiin marqaatiyaal.

Ninka Soomaaliga ah ayaa la sheegay in la soo xiray isaga oo dhiigaya, oo laftiisa waxaa gaaray dhaawac.

Kaamka ay dhacdadu ku dhacday ayaa la sheegay in aysan horay uga dhicin wax dhibaato ah, iyadoo aan ilaa hada la ogeyn sababta uu ninkaan dilka u geystay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here