Nin Soomaali ah oo xabsi lagu xukumay ka dib kufsi

38

Nin Soomaaliyeed oo 24 sano jir ah ayaa  lagu eedeeyay in uu gabadh Swedish ah faraxumeeyay isagoo maxkamad ku taala magaalada Karlskrona ay ku xukuntahay 3 sano oo xarig ah iyo in uu bixiyo lacag gaaraysa 100,000 oo karoon oo la siinayo gabadha uu fara xumeeyay.

Sida uu qoray wargeyska Blekinge Läns Tidning ninkaan ayaa qirtay dambiga lagu soo eedeeyay balse ku dooday in uusan xasuusan falka uu sameeyay maadaama uu waqtigaas daroogo iyo qamri isticmaalay. Ninkaan ayaa la sheegay in gabadha uu faraxumeeyay  uu si tacadi ah ula dhaqmay isagoo garaacay isla markaana ugu hanjabay in uu dilayo.

Dacwad oogaha ayaa codsaday in ninkaan laga musaafiriyo wadanka isaga oo xitaa aan wali wadanka sharci ku lahayn oo magangalyo doon ah. Maxkamada ayaa go’aansatay in aan la musaafurin balse xabsiga la dhigo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here