Nin Swedish ah oo nukliyeer gurigiisa ku sameeyay

14

Booliska magaalada Ängelholm ayaa soo xiray nin Swedish ah ka dib markii uu dowlada la xiriiray si uu talo uga helo in ay sharci tahay in uu nukliyeer gurigiisa ku sameeyo.

Ninkaan ayaa hawshiisa bilaabay 6 bilood ka hor isagoo boggiisa internetka ku daabacay hawsha uu ku jiro, waxa uu dibada ka dalbaday macdanta laga sameeyo nukliyeerka. Hay’ada la socodka nukliyeerka ee Sweden (Strålsäkerhetsmyndigheten) ayaa ka warheshay hawsha uu ninkaan ku jiro ka dib markii uu la soo xiriiray si uu talo uga waydiiyo in ay sharci tahay.

Ninkaan ayaa markaas ka dib waxaa loo soo diray booliska iyagoo xiray oo markii ay suaalo waydiiyeen soo daayay. Waxa uu wargeyska Helsingborgs Dagblad u sheegay in uu ku guuleystay in uu sameeyo nukliyeer yar oo aan wali koronto laga dhalin karin.

Waxa uu sheegay in ay kaga baxday lacag gaareysa 6000kr hawsha oo dhan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here