Nin toorey isku galiyay xarunta Laanta Socdaalka

12

Sida ay soo tabisay Idaacada Radio Sverige nin ayaa shalay toorey isku galiyay xarunta Laanta Socdaalka ee magaalada Lindesberg. Ninka tooreyda is galiyay ayaa la geeyay hospital.

Anna Wessel oo ka tirsan shaqaalaha xarunta Laanta Socdaalka ayaa sheegtay in dadka qaar ay ku adkaado go,aamada adag ee diidmada ah  ee la siiyo.

Ma ahan qofkii koowaad ee waxyeelo isku geysta. Waxaa sidoo kale la sheegay in nin kale isla xaruntaas uu isbuucii hore dab isku qabadsiiyay kaasoo isna hospitalka la geeyay. Lama sheegin jinsiyada ninkaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here