Ninkaan cunsuri ayuu ahaa Muslimiinta neceb maantana waxa uu qaatay Islaamka

Nin Swedish ah oo horay u ahaan jiray cunsuri aad u neceb soo galootiga iyo Muslimiinta ayaa dhawaan qaatay diinta Islaamka isagoo qisadiisa ku daabacay bogga Facebook. Ninkaan oo lagu magaccaabo Jörgen ayaa 10-sano ka hor waxa uu ahaa mid aad u taageera xisbiga cunsuriga ah ee SD iyo xisbiga Moderaterna (M) isagoo aad u necbaa soo galootiga.

Waxa uu soo qoray in uu ahaa mid neceb soo galootiga, oo aaminsanaa fikrado aad u kulul oo ku saabsan soo galootiga iyo dadka faqiirka ah. Waxa uu ahaa nin ku sugan xaalad aan degenayn oo fikradahiisa ay ahaayeen kuwo naceyb ka buuxo. Balse dhowr sano ka hor ayuu bilaabay in uu dhex galo soo galootiga, isagoo aad u jeclaaday sida ay u soo dhaweeyeen iyo sida u xushmeeyeen. Isagoo markaasi ka dib bilaabay in uu ka leexdo wadadii naceybka oo uu isaga haray cunsuriyada iyo fikradaha xumaanta ah.

Lix bilood ka hor ayuu Jörgen noqday Muslim isagoo shahaadada qiray. Sababta ayuu ku sheegay in uu aad u jeclaaday fariinta diinta Islaamka ee ku dhisan jaceylka bani’aadamka iyo nabiyada sida Muuse, Ciise (cs). Jörgen ayaa sheegay in markii uu shahaadada qiray uu isku dayay in uu sameeyo dhamaan waxyaabaha ay ka doonayso diintu balse taasi ayaa ku noqotay culeys isagoo hadda bilaabay in uu si tartiib ah u dhaqan-galiyo qeybaha kala duwan ee diinta sida salaada, sadaqada iwm.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

8 Responses

  1. Amal says:

    Masha allaah wax fiican ow sameeye mar hadow qaatay jidkii toosnaay Jimcaale jazakallahu qeeyr sida aat noogu so gudbiso wax kastoo cusub

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  2. Axminster says:

    hello my own and not just the right place

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  3. Abdifatah says:

    masha allah ilaahay ha ku xidiyo anaga iyo intii muslimiin inta kalena ilaahay ha soo hadeeyo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. Somalijournalist swedan says:

    Ninkan laba sano ka hor muslim ayuu ahaa waxaana uu degan yahay magaalada umeå aan anigu deganahay marka aad warbixin qoraysid la soo xidhiidh dadka xogtiisa haya raadi meesha uu ku nool yahay xitaa maad sheegin waxaadna been ka sheegtay inuu lixbilood ka hor muslimay warbixintaada waxbaa ka dhiman ee dhamaystir sxb xog badana raadi si warku kuugu hagaago mahadsanid .
    Somali journalist swedan umeå

    Fikrad lala dhacay Thumb up 12 Thumb down 3

  5. hodan says:

    masha Allah alle ahanunkaleh alle hawfududeyo walalkeyna umadahakalene hasohanunsho insha Allah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. Hasan says:

    Illaah ayaa mahad iska leh waxaan jeclaan lahaa inaan maalin wada sheekeysi iyo fadhi raashin oo qurux badan ku casuumo isaga iyo qoyskiisa marka fadlan ma isiin kartaan bahda somaliska tell ama meel aan kala xiriiro mhdsanidn

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  7. Hasan says:

    Somalijournalistswedan hadaad xogtiisa dhabta ah heysaan ila xiriiriya fdln adinkane qeyrka illaah ha idin waafajiyee mhdsanidn

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  8. somalijournalist says:

    anaa haya oo ku siinaya sxb

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2