Ninkaan sababta Sweden looga musaafuriyay waa mid aan caqliga galayn

Ninka lagu magacaabo Syed Latif ayaa shalay laga musaafuriyay Sweden ka dib markii loo diiday sharciga deganaansha shaqada, balse sababta ninkaan loo musaafuriyay ayaa ah mid cajiib ah oo dad badan ka careysiisay. Syed Latif oo ka soo jeeda Bangladesh ayaa Sweden ku soo galay arday ahaan isagoo iska bixiyay qarashkii jaamacada isla markaana dhowr mashruuc ka abuuray wadanka mudadii 6-da sano ahayd ee uu Sweden ku noolaa.

Syed Latif ayaa markii uu dhamaystay waxbarashada helay shaqo lagu xayeysiiyay bogga LinkedIn oo ah goob ay shirkado badan ku xayeysiiyaan shaqooyinkooda caalamka oo dhan. Balse 20 bilood ka dib ayuu Syed diidmo ka helay Migrationsverket oo sheegay in shaqada uu helay aan lagu faafin bogga Arbetsförmedlingen, maadaama sharci ahaan ay tahay in shaqooyinka banaan marka hore loo bandhigo dadka ku nool Qaarada Yurub, oo haddii la waayo cid ku haboon markaasi la siin karo qof kale oo ka soo jeeda dibada Yurub.

Syed ayaa sheegay in uu arintaas aad uga argagaxay isla markaana uu fahmi waayay, maadaama bogga LinkedIn uu yahay mid ka mid ah goobaha ugu waaweyn  caalamka ee shaqooyinka lagu faafiyo. Waxa uu racfaan u diray maxkamada Socdaalka iyo xitaa maxkamada sare ee Socdaalka (Migrationsöverdomstolen)  taasoo diiday racfaankiisa.

Arintaan ayaa ah cadaalad daro weyn oo lagu sameeyay ninkaan oo Sweden muddo badan ku noolaa, luuqada bartay, shaqo helay isla markaana la qabsaday wadanka, iyadoo sababta loo musaafuriyay ay tahay mid micno daro ah oo muujinaysa qaab-darada sharciyada qaarkood.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

10 Responses

  1. balcad says:

    Haddey diiday maxkamada sare ma fadhibaa u yaalo wadankiisa ha iskaga noqdo, waliba waa nin waxbartay dadkiisa ayaaba ubaahan Bangladesh waa wadan nabada shaqadaan shaqo ka fiican heli kara, gaalada layskuma dhajiyo mar haddey ku diidaan waa seey ku diidaan, aniga oo sharciga wadankaan heysto ayaaba rabo in aan iskaga tago ayadoo leey masaafurin

    Fikrad lala dhacay Thumb up 9 Thumb down 3

  2. Bile says:

    Hhhhhhhhhhhhhh wlhi cajiib ado sharci KU leh baba nacay miya

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  3. qaxootidoon says:

    aniga waxay ila tahay iyaga ayaa khasaaro ku qabo waayo aduunka maanta dadka waa lagu xisaabtamaa mareykanka oo kale dadka cilmiga leh ama wax ku siyaadin karro wadanka way ku xisaabtamaan hadda lafteeda khasaaro ma qabo wuxuu aadi karaa wadan sweden ka fiican ama wadankiisa ayuu wax ka qabsan karaa madama uu yahay nin waxbartey
    wadankaan malaha caqli waayo qof waxbarey wadankaa u badan maaha in la siidaayo

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  4. abdikani says:

    he must go back his home and give all his resource what he learnt their instead of given this fucking Racism people …

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  5. Luul says:

    asc
    sharciyada dadka qaxootiga ah iyo dadka aan aheyn wey kala duwan yihiin ninkan kuma soo galin wadanka in uu ka shaqeysto ee waxuu ku soo galay in uu wax ku barto wax barashadiina waa dhameystay sida aad sheegtay marka wadanka dadka iska leh waa in aad weydiisataa in aad wadankooda ku noolan kartid oo aad ka shaqeysan kartid ja eller

    nej ayey ku dhihi karaan

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  6. Moha says:

    alloow umada ugargaar walaahi waa tarikhi aya lasgu dhigay wiilka waa wiil aad aad iyo aad u dadalay waan ka xumahay walaahi qofkasta wax huran wadankisii hooyo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. Moha says:

    waxkasta waa qoraal rabbi

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  8. samaara says:

    alle mel kafiican hageeyo wax walbane wey qoranyihiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. Bile says:

    Oky

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0