Ninkaan waxa uu ka taajiray qaxootiga Sweden

3

Ninka lagu magacaabo Bert Karlsson waxa uu leeyahay 4 kaam oo lagu haayo qaxootiga ku cusub Sweden. Ilaa iyo sanadihii bert_karlsson1990 ayuu ku jiray ganacsiga soo galootiga balse hada ayuu soo bandhigay qorshe uu doonayo in uu malaayiin karoon uga faa’idayo qaxootiga cusub ee imaanaya Sweden.

Bert ayaa doonaya in uu furo 20 kaam oo cusub isagoo sheegay in kaamamkiisa ay ka shaqeyn doonaan soo galootiga keliya. Waxa uu wargeyska Aftonbladet u sheegay in uu doonayo in uu dhiso kaamam casri ah oo ay yaalaan kombutaro, jiimam iyo xitaa leh basas lagu qaado qaxootiga marka ay meel aadayaan.

Bert ayaa sheegay in kaamamkiisa uu ka dhisayo bartahama iyo koonfurta Sweden, isagoo sheegay in uusan hal xabo ka dhisi doonin waqooyiga halkaasoo uu ku tilmaamay meel aysan cidna dooneyn in ay ku noolaato. Mar la waydiiyay sababta uu doonayo in uu shaqaalaysiiyo soo galootiga kale ayuu sheegay in ay tahay in Swedishku ay yihiin kuwo caajis badan, isagoo ku kaftamay in ay hada dhalinyarada Swedishka Norway shaqo u doonayaan maadaama Norwegianku naga caajis badanyihiin.

Qorshaha Bert ayaa ah in uu dhisayo kaamamka ka dibna uu ka kireeyo laanta Socdaalka (Migrationsverekt). Ma ahan keliya Bert dadka dhaqaalaha badan ka sameeyay soo galootiga Sweden oo laftooda ah suuq weyn oo aay ka faa’idaan shirkado iyo shaqsiyaad fara badan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here