Ninkii gubay masaajidkii Örebro oo qirtay inuu isaga ka dambeeyey

0

Wararka laga helayo ciidamdda booliska ee gacanta ku haya ninkii dhalanyiradda ahaa ee lugu tuhunsanaa inuu ka dambeeyey dabkii la qabadsiiyey masaajid muslimiintu leedahay oo ku yaala magaaladda Örebro ee dalkaan Iswiidhan, ayaa waxaa uu qirtay inu isaga uu falkaasi sameeyey.

Toddobaadkii ina dhaafay ayaa waxaa dab la qabad siiyey masjid ku yaalay magaaladda Örebro, waxaana falkaasi loo soo qabtay labaatan jirkan haatan qirtay. Urruradda muslimiinta dalkan ayaa  dhacdaadaasi ka dib ka codsaday dowladda in ay sameeyo talaabo lugu sugayo ammaanka goobaha ay muslimiintu ku cibaadeeystaan kuwaas oo horey falal lugu waxyeeleeynayo ay ku kaceen shaqsiyaad madax maray naceybka muslimiinta.
Somaliska.com-Göteborg
AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here