Ninkii isku qarxiyay Stockholm oo lacag badan ka qaatay CSN

5

Baaritaan uu sameeyay wargeyska Dagens Nyheter ayaa isbuucaan lagu soo bandhigay in ninka lagu magacaabo AbdulwahabTaimour Abdulwahab oo bishii December 2010 isku qarxiyay bartamaha Stockholm uu lacag badan ka qaadan jiray hay’ada taaguleynta ardada (CSN).

Warbixinta ayaa lagu sheegay in ninkaan ay guud ahaan CSN siisay lacag gaareysa 750,000 kr. Isbuucii uu isku qarxiyay ka dib ayaa xitaa 54,000kr waxaa loogu soo diray kontadiisa. Arintaan ayaa qaasatan dhalisay qeylo dhaan ku wajahan in aysan CSN la socon dadka geeriyooday.

Baaritaanka ayaa lagu soo bandhigay in ninkaan uu ahaa mid si joogto ah warbixinta waxbarashadiisa ugu dira hay’ada CSN isagoo mararka qaar u mahad celiyay shaqaalaha CSN. Warqad ka mid ah kuwii uu u qoray CSN ayaa waxaa ku qornaa “Waxaan u mahad celinayaa CSN, waxaan idin rajeynayaa Kirismas iyo sanad wacan” sida lagu soo qoray warbixinta.

Abdulwahab ayaa markii ugu horeysay taageero waxbarasho ka dalbaday hay’ada CSN dhamaadkii sanadkii 1990 isagoo xitaa taageero ka helay hay’ada CSN markii uu ku noolaa magaalada Luton ee dalka Ingiriiska.

Sababta uu ninkaan u go’aansaday in uu isku qarxiyo wadada Drottninggatan ee ugu saxmada badan Stockholm ayaa ah mid lala yaabo, isagoo lacag badan ka helay wadankaan. Qaraxii uu fuliyay Abdulwahab ayaa waxaa ku geeriyooday isaga oo keliya.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here