Ninkii nabiga aflagaadeeyay oo bandhig loo diiday

12

Ninka caadeystay aflagaadada Nabiga (nnkh) ee lagu magacaabo Lars Vilks ayaa waxaa loo diiday in uu ka qeyb qaato bandhig ay sameynayaan farshaxan yaqaanada Sweden oo lagu soo bandhigayo matxafka gobolka Värmland ee lagu magacaabo Jamtli.

Masuuliyiinta matxafka ayaa sheegay in sababta ay uga diideen Vilks in uu ka qeyb qaato bandhiga ay tahay in uu beryihii dambe noqday mid lidi ku ah Muslimiinta iyo islaamka. Waxay tusaale u soo qaateen in Vilks uu doonayo in uu ka qeyb qaato mudaharaad laga dhigi doono magaalada New York ee dalka Maraykanka kaasoo looga soo horjeedo Muslimiinta.

Ma doonayo in Jamtli lala xiriiriyo borobogaandada ka dhanka ah Muslimiinta. Waxaan leenahay Muslimiin badan oo gobolkeena degan oo waxaan doonaynaa in dhamaan ay dareemaan amaan iyo soo dhaweyn. Ayuu yiri Henrik Zipsane oo ka mid ah masuuliyiinta matxafka.

Waxay intaas ku dareen in aysan dhibaato ahayn in qofku uu isticmaalo xoriyada hadalka balse waxyaabihii uu sameeyay Vilks sanadihii dambe aysan ahayn kuwo iyagu ay doonayaan in lala xiriiryo. Ninka lagu magacaabo Lars Vilks ayaa ilaa sanadkii 2007 waxa uu caado ka dhigtay in uu goobkasta ku soo bandhigo kartoono lagu aflagaadaynayo nabi Muxamed (nnkh) iyo muslimiinta. Dhowr jeer ayaa isaga laftiisa weerar lagu qaaday, isagoo hada ku nool dhuumaalaysi.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here