Ninkii Nabiga (scw) aflagaadeeyay oo la weeraray (Daawo VIDEO).

0

Ninka sawiraha ah ee lagu magacaabo Lars Vilks ee aflagaadeeyay nabi Muxamed (nnkh) ee sawiray ey uu ku tilmaamay nabiga ayaa lagu weeray maanta isagoo cashar ka bixinaya jaamacada Uppsala.

“Ninku waxa uu fadhiyay safka hore, si dhakhsi ah ayuu xageyga ugu soo orday. Jeesto ayuu igu dhuftay, waxaanan ku dhacay darbiga, ookiyaalihiina waa iga dhacay” Ayuu yiri Lars Vilks.

Sida uu qoray wargeyska Uppsala Nya Tidning, xaalada hoolka casharku ka socday ayaa kacday ka dib markii ninkaas uu soo bandhigay filim ay ka muuqato galmo rag iyo dumar.

“Koox dad ah ayaa horey u soo dhaqaaqday. Markii boolisku ay isku dayeen in ay joojiyaan, ninka waxbaa lagu dhuftay. Hada labo qof ayaa la xiray” Ayuu yiri taliyaha ciidanka booliiska Tommy Karlsson.

Ninka ayaa loo qaaday meel amaan ah ka dib weerarka.

“La ima dhaawicin, waxyar un baa la i tuuray” ayuu ku faanay

Ninkaan ayaa dhuumaalaysi galay ka dib markii uu sawiray kartoomo Eey ee uu ku tilmaamay nabiga (nnkh) isagoo madaxiisa ay dhigeen 150,000$ ururo ay ka midyihiin Al-Qacida.

Bishii maarso ayay ahayd markii gabadh Maraykan iyo 7 qof oo kale  loo xiray in ay maleegayeen dilka ninkaan.

Sidoo kale boggiisa internetka ayaa la jabsaday.
Xigasho The Local.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here