Nolosha magaalada Boden

Magaalada Boden waa magaalo ku taala waqooyiga Sweden kana tirsangobolka Norrbotten. Boden waxay masaafo gaaban u jirtaa caasimada gobolka Norrbotten ee Luleå. Magaalada Boden waxaa degan shacab lagu qiyaaso 45000 oo qof.  Magaalada Boden waa magaalo saldhig u ah ciidanka milatariga Sweden iyadoo sidoo kale ah goob la geeyo soo galootiga sharci sugayaasha ah.

Guryaha & Qarashka: Kireeyayaasha guryaha waxay ka kooban yihiin kommunal iyo privat, guryaheeda qol ama 2qol ah ee ay dagaan dadka kalikalida u nool aad ayey u dhib badan yihiin sida lagu helo, laakiin qoysaska way heli karaan sababtuna waxay tahay tirada ugu badan ee kireystayaasha ayaa ah arday ka kooban milatary iyo ajnabi aan weli familadoodii loo keenin haba ugu badnaadeen Soomaali.

Kama jiro wax midab takoor ah oo loo fiiriyo midab jinsi iwm marka qofku kireysanayo guri, laakiin waxaa mudnaanta 1aad la siiyaa qofka shaqeysta hadii guri ay wada dalbadaan qaar ka mid ah shirkadaha kirada. Guryaha waa 1qol 2000-3500 waxayna ku xiran tahay kvadratmeterka guriga uu ku fadhiyo. Qarashka qofka ee marxalada integrationka 2da sano kahor bishii janaayo 2011 dadkii yimid waxay xafiiska u qaabilsan kommunka siiyaan qofka dadiisu ka weyn tahay 29sano 7704 kr qofka kayarna 7190kr, laakiin kaas wuxuu xaq u leeyahay in uu ka helo hay ada caymiska lacagta kabida guriga.

Dadka soo galay wadanka 2011 janaayo waxay helaan lacag aan fadhin oo marba qiime ah, waxaa lagu jaangooyaa maalin shaqo oo ah si siman dadka oo dhan qofka aada iskuul, maalintii wuxuu qaadanayaa 308 kr 19-22 ayey u dhaxeysaa qaan sheegadkooda. Qeybta 3aad waa kuwa dhameystay intigrationka 2diisa sano misana aan helin shaqo guriga korontada iyo caafimaadka waxaa ka bixinaya kommunka waxaana la siinayaa 3500kr, hadii 2km masaafoka dheer loogu diro praktik waxaa laga bixinayaa resaha waana la kontroolaa oo bil kasta ayey blankett buuxiyaan hadii studieaktivitet ay ku helaan waxoogaa lacag ah waa loo xisaabiyaa.

Waxbarashada: Waxbarashada halkan waxbarasho ayaa ka jira ka kooban sfi iyo koorsooyin kale oo kala duwan. Waxayna ku xiran tahay sida uu qofka uga faaiideysto sfiga waxaa la dhigtaa 15saacadood isbuucii, qofkii dadaalaya oo fahma sida looguraadsado shaqo ama waxbarasho kale dag dag ayuu u socon karayaa. Koorsooyinka qasab ma ahan inuu qofku dhameeyo sfi kaliya waa in ay is fahmi karaan macalinka iyo gacanyaraha xafiiska shaqada u qaabilsan qofka. Waxaa jira dhalinyaro ay gacanta ku hayaan dad swedish ah oo dhigta dugsiga sare kuwo dhigta dugsiyo sare iyagane waxay qaataan 1500kr bishii.

Shaqada: Dadka magaalada way shaqeeyaan kuwo praktik loogudiray goobo kadibna isla goobahaas ka shaqo bilaabay oo hada ka baxay tijaabadii oo helay shaqo rasmi ah iyo kuwo ku shaqeeya saacado oo ka shaqeeya goobo waxbarasho intaba. Sanadkii kommunka wuxuu qaataa 50 qoys, laakiin sanadkaan wuxuu marayaa 52qoys isagoo sanadkii kalabar joogo. Hada waxaa jira amar ka soobaxay kommunka oo lagu amrayo inaysan ka kireysankarin guryo dadka doonaya inay dagaan magaalada iyagoo aan wadan warqad ogolaansho kommunka ah amarkaasoo loo qaybiyay bishii juli dhamaan kireyayaasha guryaha ee Boden.

Nolosha Guud: Nolosha waa ay fiican tahay waxaa jira dukaaman gaaraya 4 oo ay leeyihiin dad muslim ah oo laga helo noocyada kala duwan ee cuntada xalaasha. Waxaa kaloo laga helaa coop forum iyo consum raashinka xalaasha ah. Waxaa gabogabo maraya furitaanka dukaan weyn oo Wilys ah oo hirgelintiisa ay wadeen beryahaan waxaa kaloo ku yaala ice kväntum och supermarket. Magaalada waxay leedahay masaajid weyn lacagtiisa kirada waxaa bixiya kommunka dadka way isku xiran yihiin intooda badana waxay dageen magaalada mudo sanad ilaa sanad iyo bar qeybahaan

Waxaa soo diyaariyay: Abdulkadir hassan Abdi, Boden

Warbixintani waa mid ka mid ah barnaamijkii aan ugu tala galnay in aan kaga warano nolosha kamuunada Sweden. Adiguna waxaad noo soo diri kartaa warbixin ku saabsan nolosha kamuunka aad ku nooshahay.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

17 Responses

  1. Massago says:

    Boden waa mahaan ku qaadhay sharciga ku qaadhay
    midab takoor kama jiro taas faraa iiga taagan maxaa yeelay inkastoo hela sverige awka jiro madabneceyb hadana waa ay qarsadaan lkn Boden xoogaa waxaad moodaa ineey xogaa faru kumudantahay
    ungefär ett år aan joogay wax badan ayaan ka,aqaan.
    2007 ay eheed xiligaas waxa macquul ah iney wax badan iska badaleen hada kama war qabo tan kale Qoraha maqaalka waxaw katagay ay caan ku tahay Boden
    shaqa ladhaho gurbinta muraha loo yaqaan blobere oo juli måna—- sept ladoonto Boden banaankeeda laga soo gurtaa 1 KG 15 sek cml aala gadaaaa asc

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  2. Khadija says:

    Messego adigu maandhow sverige ma soo dhameysay Katrineholm aan kugu ogaaye armaadna markaas luqada fahamsaneyn oo xitaa rabay inow ku caawiyo aad cunsiri u qaadatay. Miraha blåbere eed sheegteyse imisa bilood aad gureysay kkkkkkkkkkkk.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 2

  3. saf says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkk qadiijooy maad iloowday in rmadan lugu jiro hadalkaga ka janbaa ka jira, swedhan way na soo dhaweeyen anagaba waan wan ku soo dhaween laheen wadankeena ayagoo qaxaa haday imaadan. taas maanka gali

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  4. Kayze says:

    ASC
    Waan kaaga mahad celinayaa war bixinta wanaagsan ee sida cilmiyaysan u tabanaysa qaabaha bulshada Cabdiqadir waxaana asaxaabta inteeda kale ka codsanayaa in sidaan oo kale wax laysku dhaafsado oo aad noo sooqortan reportiyo ku saabsan qababka somalidu ugu kale noshahay qurbaha, WATAY AHAYD XIGMAD SOMALEED WAR LAHEL YAABA TALO LAHEL, oo aan ka akhrisan karno in uu warku yahay shayga horgalaha u ah tilaabo kasta oo laqaadayo

    wbt

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  5. Massago says:

    Khadiijo silic kunoole 30– guursataa dhaanto mamaqli jirtay
    Sverige cirka ayaa ii dhiman ee dhulka majirto meelaan cagteydu uga aalin
    Safka Khadiijo waxey soo qortay sheekada iidoo habiin ah habiina soon ma,ahin ee wala afursanyahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. Maxamed says:

    Saaxiibyaaloow magaaldaas waa magaalo yar oo aad u fiican waxaan magaladaas joogey 2007 ilaa 2008 dadka maagaaladaas degaanka ku ahaa waagaan ogaa waxey ahaayeen dad aad u wanaagsan dhamaan tood, waxaan Aniga iyo dadka ila midka ee Sharci sugayaasha degneed 2 guri oo loo yaqaan Guryaha Jaalaha ah oo midkiiba ah 7 dabaq, wax yaabaha aan meesha ku jeclaa waxey aheed xiliga miraha dadka soo galootiga lacag fiican ayeey ka sameeyaan inkasto Somaalida mira gur ka aad looga fiicnaa marka loo fiiriyo dadka Eretrian ka ah laakiin waxaa 3 Nin oo Samali ah beentiin dhahdey oo lakala Dhaho 1- Adeerkiis 2- Cusmaan Faarax 3- Ahmed Barre, Ragaan waxey ahaayeen ragii ugu yaabka badnaa inta miraha la guraayey xitaa heer waxaa dhacdey meesha miraha laga guro marka eey yimaadaan eey Dadka Chinese ka iyo Tihialandes ka iyo Eretreian ka eey iska baxaan hadii si loo fiiriyo dhaqaalo aad u fiican ayeey sameeyeen ragan dhanka kalana Magaca Somalida kor ayeey u qaadeen Aniga qaasatan waan ka qeeyliyey.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  7. Xasan yare says:

    kkkkkkkkkkkkkkk

    Adeerkiis iyo Axmed Barre iyo Cusmaan Faarax VIVA saaxiibayaal waa fuurey walaahi Shiines ka iyo Teelaandiiska aa qaxaayo meesheey galaan lugu lahaa kuwaan Geedaha aa ka ashahaatey haye kkkkk ragaan xageey hada ku nool yihiin waa qatar walaahi magaceena Somali aa kor u qaadeen camal lol hala shaqeeysto walaayaal Somaliyeeeeeeeeeeeeeey.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  8. Abdinaasir Hala wallah says:

    As salamu dhaman ita so diyaarisay warbixintan iyo waliba dhalanyarada Somaliska.com Sida Jimcaale. Boden waxan ku nolaa waqti gareyso 2007 ilaa 2088 waxan aad ugu faraxsanaa in aan joogo aniga marki danbe ka so guuray. Warbixinta laga so diyaariyay waa wax run ah.

    Halkan waxan ka leyahay Ramadan kariim..
    Reer Shiine oo dagan Boden.
    Reer Abdihakiin Mussey.
    Duq adan iyo cayaalkiisa.

    Iyo dhamaan reer Boden inta i taqano

    Abdinaasir Hala wallah
    Ramadan kariim

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. Hamdi says:

    RAMADAN KARIIM dhamaan waa salaamantihiin Qaasatan Ex reer BODEN ayaan ahaa dadka rere Boden na waa salamaya salaan ka dib I love magaladaas tan kale dhalinarada Kaamka waa fiicnaayeen dad is jecel oo hadana caawiya dadka Faraha leh ayeey ahaayeen walaahi waxaan xasuustaa iney lacag aruurin jireen maasha allah kuwa Miraha guraayey walaahi lacag ayeey shaqeeysan jireen I miss Boden.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  10. maxamed says:

    Ramadaan kariim all muslims magaladaan waa magaalo tarikh leh waxaaan ka si fiicanan laheyd inta somali ah ee sharciga ka so qaadatay iney dagaan dad badan bey maamo u tahay qaasatan aniga waan mesha ka so bilabay markaan imid wadanka waana magaalo muqaal qurxan lehj

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  11. Muqtaar says:

    Ramadaan Kariin Bodaney La’aantaa abaar xaa ku baraf ah xaasaku qaboow ah an maa yaabin xaa iiga sii darnaa ma taqaaniin kuwoo degen meesha waxaa kaloo ka sii daran xiliga miraha la guraayo Xaaku kaneeco ah walaahi jumlo eey kuugu koobneyaaan laakiin ma maqali jirtey walgaa hadii aad aragto wax kaa yaabiyo wax kasii daran ayaa jira ha moogaan Baraf iyo Samar kaneecadiisa sedaxdaa Somalida ah aa ka daran xiliga muraha Aniga waxaan joogey 2008 ilaa 2010 waxaan maqley iney jireen niman Somali ah oo Geeda ka qaxeen sida ley sheegeyna waxey kala ahaa yeen Cusman Faarax iyo Axmed Barre iyo Saciiid Adeerkiis nin la dhaho.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  12. cumar says:

    waa beylo lakiin waxaan rabnaa gäteborg qaab keyda

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 3

  13. cusmaan faraax says:

    kkkkkkkkkkkkkkk Ramadaan kariim dhamaan asxaabtii reer boden iyo bahda web ka somaliska hadii aan waxyar ka hadlo nolashii boden walaahi waa fiicneed wexeyna eheed waqtiyo kala duwan aadna u kala fog waxaan xasuustaa ayadoo iftiinba la arko mudo 3 saac qorax warkeedba daaye iyo waqti qoraxdiiba dhixi weyso 24 saac wixii iila yaabka badnaana waxaa ka mid ahaa salaada maqrib cishe iyo subax oo halmar soowada galaya waana arin aan inbadan oo bulashada ka mid ah laga dhaadhicin kareen waxaa kaloo xiise laheyd waqtigii miraha sida saxibadeyba kadhawaajiyeen
    marlabaad waan idin salaamayaa siqaasa inta magaceyga xustay waan idin salaamayaa xasan yare maxamed iyo muqtaar

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  14. Macalinka says:

    Dhamaan Asxaabta reer Somaliska iyo asxaabta qaaliga eh reer Boden sxb Osmaan Farax waa ku salaamey salaan kadib Adiga iyo reer oow Geeda fiiqoow saaxiiboow halkee baad ku danbeeysey adiga iyo Ninkii Ahmed Barre ahaa isaga xaguu joogaa waala kala lumee Adeerkiis iyo adiga iyo Barre Mamnuuc aa ka tihiin Bodan haku laabanina kkkkkk

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  15. Sabriye@Boden says:

    Asw.

    Dhamaan Waa Sabriye oo Idin Leh… Waa Salamantihiin.

    Mida Xigta Aad Baan Ugu Faraxsanahay In Lamagacaabo dadka aan Aniga Qaas Ahaan U Bixiyay.(Reer Geeda Naar).

    Waxaase Ad an Ugu Farxay Sida Numberada Loosiiyay
    1: Saed Aderkis
    2. Osman Fareh
    3: Ahmed Bareh
    Ciida Maha…. Waa Mahadsan Tihiin Dhaman Ws wr wb.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  16. Shariifoow says:

    ASC dhamaan reer EX reer Bodan iyo kuwa hada degenba saaxiibayaal waan idiin wada salaamey walaahi waa wax lagu farxo meeel aad mar marti ku aheed ina magac wanaagsan kaaga baxo waxaan ula jeedaa 3 nin ee lagu xusey meeshaan waan aqaana aniga waxey ahaayeen dadkii wanaagsanaa ee magaldaas aan wada joogney weyna xamaalan jireen waqitiga mira magac fiican wey kulahaayeen Somalida meesha degen hadii aad i aad qoraal kega aad aqriso sxb waa shariifoow oo idiin salamaya Ahmed Bare ADEERKIIS OSMAN FARAH salaan Sare waraa Sabriye war hakee ku danbeeysey adigana saaxiib Abdi idiris iyo sagaareyna waa xagee iyagana ?

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  17. Raaqia says:

    asc wad salaman tihii dham walalaha somaliyed abdiqadir wadba la jec laysiisay kamuunkaga ee bal ka soo waran sida loo soogedo
    mise waba la joojiyay ingau soo biiro somali intee le eg baa ku degan tihiin akhii wcswrwb

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0