Nolosha magaalada Borlänge

4

Magaalada Borlänge waa magaalo ka tirsan gobolka Dalarna oo caasimada Stockholm u jirta 2 saac markii tareen lagu safrayo. Borlänge ayaa waxay daris la tahay caasimada gobolka Dalarna ee Falun taasoo u jirta dhowr toban daqiiqo oo keliya. Magaalooyinka Borlänge iyo Falun ayaa waxaa ku nool dad ka badan 100,000 oo qof.

Soomaali badan ayaa ku nool magaalada Borlänge oo lagu qayaaso ku dhawad 2000. Soomaalida Borlänge ayaa ah kuwo inta badan ku cusub magaalada. Hadaba waxaan eegeynaa nolosha magaalad Borlänge…

Guryaha: helitaanka guryaha ee magaalada Borlange ayaa la ii sheegay in uu qaato bil ilaa 3 bilood iyadoo qiimaha guryaha uu kala baxo sidaan. Halkii qol ayaa lagu qiyaasaa 2500kr  ilaa 3000kr. 2 qol ayaa u dhexeeya 3800kr ilaa 4000kr halka sadexda qol ay gaareysoo 5000kr.

Waxbarashada: Magaalada Borlänge waxaa ku yaala jaamacado iyo dugsiyo sare intaba. Soomaalida ayaa dhigta iskuulada laga barto SFIga oo ay masuul ka yihiin shirkado qaas ah. Iskuuladaas ayaa waxay qaabilsanyihiin hawsha SFIga , gymka iyo xitaa praktiga. 8 saacadood ayaa la dhigtaa iskuulka.

Shaqada: Soomaalida ku nool Borlänge ayaa la mid ah Soomaalida ku nool Sweden xaga shaqo la’aanta. Dadka inta badan waa shaqo la’aan, tirada yar ee shaqeysa ayaa u shaqeeya kamuunka iyo hayadaha dowliga ah. Praktiga qasab ma ahan balse qofkii hela ayaa la ii sheegay in ay noqon karto wado uu shaqo ku helo.

Nolosha Guud: Nolosha guud ee magaalada Borlänge ayaa ah mid wanaagsan, Soomaali badan ayaa ku nool magaalada oo qaarkood ganacsiyo ku leeyihiin. Dadku waxay leeyihiin goobo ay ku tukadaan iyo jaaliyado ay ku mideysan yihiin oo dhowr ah.

Isku socodka: Magaalada Borlänge waxaa ka shaqeeya basas iyadoo dadka iskuulada dhigta ay jeebkooda ka dhiibaan baska, dadka ayaa ka cabanayay in iskuulka uu ka fogyahay oo aan laga bixin lacagta baska. Magaalada Borlänge waxaa mara tareemo isku xira iyada iyo magaalooyinka waaweyn sida Stockholm iyo Uppsala. Sidoo kale magaalada waxaa ku yaala eyroboor.

Warbixintani waa mid ka mid ah barnaamijkii aan ugu tala galnay in aan kaga warano nolosha kamuunada Sweden. Adiguna waxaad noo soo diri kartaa warbixin ku saabsan nolosha kamuunka aad ku nooshahay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here