Waxaa jira dad soomali ah oo aad u tiro badan oo badanaaba kala gedisan xaga deganaanshaha wadanka qaar ayaa waxay degan yihiin hadaan ka hadalno Swedan mudo 20 sano ka badan oo aan wax qabsan, qaar ayaa waxay degan yihiin hal sano oo la yaaban nolosha qurbaha ee ay ugu horeyso, taas ayaa waxaa loo baahan yahay in la sameeyo barnaamij u gaar ah soomalida oo looga gudbi karo dhibta iyo laqabsi la aanta qurbaha. Hadaan muhiimada ka hadalno waxaa la yiri awka hore saanqaadkiisa ayuu ka dambena yeeshaa maantana Soomalida Swedan ku nool aad ayey u badan tahay waxaana looga baahnaa inay wadankan wax ka qabsadaan oo ay ka dhex muuqdaan qaybaha kala duwan ee bulshadu, ka muuqdaan sida waxbarashada, shaqada taas oo ay aad ugu liitaan. Waxaan aad ugu farxi lahaa inaan arko soomali ka dhex muuqata bulshada Swedan horumarkuna waa mid uu qofkastaa isgaadhsiin karo marka loo eego ajaanibta Swedan degan waxaa boqolkiiba boqol ka fahan fiican Soomalida, taas waxaa loo aanaynayaa qofkastaa sida uu iska dhigo. Yurub laba wado ayey leedahay tan kowaad waa wadada saxda ah ee lagaga baahan yahay inaad raacdo shaqo raadsato, nolosha la qabsato, luuqada barato iska dhigto qof wax kasta lugihiisa ku raadsada. Tan labaad waa dadka ka leexda wadadaas oo fiiriya keliya balwada iyo wixii xun oo dhan. Haddii qofku wadada toosan raaco waxaan aaminsanahay inuu wax badan qabsan karo taakulayn karana walaalihiisa Soomaliyeed ee kale, ku xisaabtan marksta inaad adigu wax isbarto waxaad tagtaa iskuul sfi, laakiin ogoow inaad noqoto qof wax akhriya oo aan buuga tuurin dadaal ayaa lagaaga baahan yahay qof kasta hadii aad dadaashid waad guulaysan kartaa. Nolosha qurbahana waxaa lagaga bixi karaa adoo sharciga wadanka u hogaansama qabsadana talaabada aad jeceshahay inaad mustaqbal ku gaartid qof kasta aad tiraahdo iga caawi waxaan rabaa inaan horumar gaadhee diyaar ayaa laguu yahay gaar ahaan wadanka Swedan ee aan ku nool nahay waxaa aad loo jecel yahay qofka doonaaya inuu horumar ka gaadho noloshiisa ee adigu dib haysu dhigin la jaan qaad nolosha qurbaha ka fagoow hadaad doonaysid mustaqbal wanaagsan balwedaha kala gedisan ee noloshaada dib u dhigaaya. Waxaa qoray Abdi Samed

Nolosha qurbaha sidee looga bixi karaa?

Waxaa jira dad soomali ah oo aad u tiro badan oo badanaaba kala gedisan xaga deganaanshaha wadanka qaar ayaa waxay degan yihiin hadaan ka hadalno Swedan mudo 20 sano ka badan oo aan wax qabsan, qaar ayaa waxay degan yihiin hal sano oo la yaaban nolosha qurbaha ee ay ugu horeyso, taas ayaa waxaa loo baahan yahay in la sameeyo barnaamij u gaar ah soomalida oo looga gudbi karo dhibta iyo laqabsi la aanta qurbaha.

Hadaan muhiimada ka hadalno waxaa la yiri awka hore saanqaadkiisa ayuu ka dambena yeeshaa maantana Soomalida Swedan ku nool aad ayey u badan tahay waxaana looga baahnaa inay wadankan wax ka qabsadaan oo ay ka dhex muuqdaan qaybaha kala duwan ee bulshadu, ka muuqdaan sida waxbarashada, shaqada taas oo ay aad ugu liitaan. Waxaan aad ugu farxi lahaa inaan arko soomali ka dhex muuqata bulshada Swedan horumarkuna waa mid uu qofkastaa isgaadhsiin karo marka loo eego ajaanibta Swedan degan waxaa boqolkiiba boqol ka fahan fiican Soomalida, taas waxaa loo aanaynayaa qofkastaa sida uu iska dhigo.

Yurub laba wado ayey leedahay tan kowaad waa wadada saxda ah ee lagaga baahan yahay inaad raacdo shaqo raadsato, nolosha la qabsato, luuqada barato iska dhigto qof wax kasta lugihiisa ku raadsada. Tan labaad waa dadka ka leexda wadadaas oo fiiriya keliya balwada iyo wixii xun oo dhan. Haddii qofku wadada toosan raaco waxaan aaminsanahay inuu wax badan qabsan karo taakulayn karana walaalihiisa Soomaliyeed ee kale, ku xisaabtan marksta inaad adigu wax isbarto waxaad tagtaa iskuul sfi, laakiin ogoow inaad noqoto qof wax akhriya oo aan buuga tuurin dadaal ayaa lagaaga baahan yahay qof kasta hadii aad dadaashid waad guulaysan kartaa.

Nolosha qurbahana waxaa lagaga bixi karaa adoo sharciga wadanka u hogaansama qabsadana talaabada aad jeceshahay inaad mustaqbal ku gaartid qof kasta aad tiraahdo iga caawi waxaan rabaa inaan horumar gaadhee diyaar ayaa laguu yahay gaar ahaan wadanka Swedan ee aan ku nool nahay waxaa aad loo jecel yahay qofka doonaaya inuu horumar ka gaadho noloshiisa ee adigu dib haysu dhigin la jaan qaad nolosha qurbaha ka fagoow hadaad doonaysid mustaqbal wanaagsan balwedaha kala gedisan ee noloshaada dib u dhigaaya.

Waxaa qoray Abdi Samed

Faafi mowduucaan

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

5 Responses

  1. Libaan says:

    s.c waa mahadsan tahay walaalkis mowduca aad soo qadatay waa mid aan aad ula dhacay waxaana loo baahan yahay inad mar kasta sidaan oo kale aad usoo qadataan maxaa yeelay qoraal aad u fican oo qofkii aqristaa uu qadan karo wadaan 1000% waxaana filaa inaan ay tahay wado aad wax walbo aad ugu gudbi karto mahadsid bro

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  2. ifrah says:

    asc wr wbr, masha allah aad ayad u mahadsan tahiin wayo wa run waxa jira dad somaliyed oo wadanka wax badan jogay hadana aan xitaa dukanka kaso adeegan karin tasna waxa ugu wacan qaymayn la,aanta wax barashada runtii aniga wan jacelahay inan wax barto hadana markan arko somalida niyada ka dilaysa baa adina nece waxad haysay dhan wayo qofku waxuu qabanayo hadii lagu boriyo iney wax wanagsan yahiin waxii waa uu xisayna hadii kale oo niyada laga jabiyo waxana ma u arkayo marka aad ayad ugu mahdsan tiihin qoralkina jaza kalah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. Massago says:

    A-C. Horta tawfiiqda Allaha na haleeshiiyo Aamen Aamen.
    hormarka qofba si ay u taqaan aniga hadan kahadlo fikirkayga ku,aadAn hormar waxaan dhihi lahay wadankaan waxow le yahay dhaqama kala gadisan o aad uga duwan kuwi hore on somalia kuhesan jiran lkn hadan kan qadano kii horena an ka tagno ma,ila qunno saa xeera loo xagtaa ilkana ku nabad galaan ayaa lagu maahmaahaaa. Waxaa loga bixi karaa arintaan in qof kasto mugow aadaa suuqa,skoolka,shaqada iwm aw horay u qaadto miisaankiisa e wixi mugas aw arko ama aw la kulmo iska miisaamo hadaw uqalmi waayo dhaho aniga kan iima qalmo mana rabo xag diin,dabeecad iwm taa macnaheeda waxaan uga dan le yahay dhaqanki sojirenka ahay od horay u lehed hadaad mid 2011- ah ku badalato dhibked ay lee dahay marka wixi aan kuu qaadmin qasab kuguma ahin wixi kuu qadmana qof kaama celi karto WBTFQ LYCKA TILL MED ER FRAMTIDEN !!!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. ehlusuna says:

    ASC/WR/ WALALKEY WAA KUMAHAD SANTAHAY MAWDUUCA QAALIGA AH AAD USOO JEEDISAY WALALAHAGA SOOMAALIYEED XAQIIQDI WAXAAD KA HADASHAY WAXJIRA OO DHAB AH OO HAYSTA DADKEENA SOMAALIYEED LABO QASAARO AYAA KU DHACDAY TANKOWAAD WAXAAN KASO HAAJIRNAY DHULKEENU HOOYO TANLABAADNA DHULKII AAN IMAANEY MAAHIN DAD WAX KA QABSAN KARO SABABTUNA WAXAY TAHAY SOOMAALIDU MALAHA HADAF NOLOLEED WAX QORSHE AH UMA DAGSANA CILADU WAA HALKAAS RAYIGEYGA.MAHADSANIDIIN

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. mustafe says:

    aad iyo aad ayaan kuu salamayaa jimcaale walal waxan rabaa inaan ku waydiiyo su’aal ah.
    waxan maqlay inay sweden bisha march fasaxayso dadka somaliyeed arrinkaasi ka soo waran siday wax uga jiran iyo inuu rajo uun yahay thanks.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0