Wadanka Sweden waa wadan wayn oo ka kooban gobolo kala duwan iyo degmooyin (kommuns) aad u fara badan. Dadka Soomaalida ee degen ama degenaanshaha ka hela Sweden ayaa waxaa la soo dersa go'aan qaadasha degmada ay ku noolaanlahaayeen ayadoo la eegayo dhowr arimood. Goaankaan ayaa ah mid adag oo qofka uu ku qasbanyahay in uu xiriir la sameeyo asxaabta iyo kharaabada ku kala nool qaybaha kala duwan ee Sweden. Hadaba si aan ugu fududeyno bulshada go'aanka nolosha ee Sweden ayaan waxaan soo bandhigi doonaa qayb taxane ah oo aan ku eegi doono heerka nolosha ee degmooyinka (kamuunada) Sweden. Balse waxaan u baahan doonaa caawimaadaada haddii aad ku nooshahay gobol ka mid ah Sweden oo waxaad naga caawin kartaa in aad nooga soo waranto nolosha Kamuunka aad ku nooshahay anagoo magacaaga ku xusi doona maqaalka. Haddii aad jeceshahay in aad nooga soo waranto nolosha kamuunka aad ku nooshahay waxaan kaa dooneynaa in aad warbixin faahfaahsan naga siiso su'aala ay ka mid yihiin. 1. Guryaha: Sida looga helo guri kamuunkaaga? ma sahalbaa mise waa adagtahay? qiimaha kirada? yaa bixiya guryaha iyo wixii kale ee ku saabsan guriga. 2. Waxbarashada: Waxbarashada kamuunka, warbixin ku saabsan SFI, inta la sugo iskuulka, inta saacadood la dhigto? iyo wixii la mida. 3. Shaqada: waa sidee shaqa helida kamuunkaaga, baraatiik ma la isku diraa? meeqa saac ayaa baraatiiga la sameeyaa? waa maxay shaqooyinka lagu baraatiikeeyaa? shaqo ma helaan dadku kadib baraatiiga? iyo wixii kale ee ku saabsan shaqada iyo baraatiiga. 4. Nolosha: naga sii warbixin ku saabsan nolosha kamuunka, waa imisa kharashka uu kamuunka siiyo dadka? waa sidee qiimaha maciishada? dukaamada ku yaala meesha yaa ka mida? cunto xalaal ah si fiican ma looga helaa? Soomaali badan maku nool yihiin kamuunka ? jaaliyad ma leedihiin? masaajid ma leedahay? 5. Socodka iyo gaadiidka: waa sidee isku socodka kamuunka, basas iyo tareeno ma leedahay? meeqa ayaa lagu jartaa kaarka baska ama tareenka? Shantaas qodob iyo wixii kale ee aad ku dari kartid fadlan noogu soo dir emailka info@somaliska.com waxaad soo raacin kartaa magacaaga. sawirkaaga haddii aad jeceshahay in lagugu soo bandhigo Somaliska.com iyo telfoonkaaga si aan kuula soo xiriirno haddii aan u baahano warbixin dheeri ah. Waxaan rajenaynaa in aad nala shaqeysaan oo aad bulshada u faaideysaan sida aan idinkugu faaideyno. Wasalamu Caleykum.

Nolosha Sweden: Waa sidee nolosha kamuunkaaga?

Wadanka Sweden waa wadan wayn oo ka kooban gobolo kala duwan iyo degmooyin (kommuns) aad u fara badan. Dadka Soomaalida ee degen ama degenaanshaha ka hela Sweden ayaa waxaa la soo dersa go’aan qaadasha degmada ay ku noolaanlahaayeen ayadoo la eegayo dhowr arimood. Goaankaan ayaa ah mid adag oo qofka uu ku qasbanyahay in uu xiriir la sameeyo asxaabta iyo kharaabada ku kala nool qaybaha kala duwan ee Sweden.

Hadaba si aan ugu fududeyno bulshada go’aanka nolosha ee Sweden ayaan waxaan soo bandhigi doonaa qayb taxane ah oo aan ku eegi doono heerka nolosha ee degmooyinka (kamuunada) Sweden. Balse waxaan u baahan doonaa caawimaadaada haddii aad ku nooshahay gobol ka mid ah Sweden oo waxaad naga caawin kartaa in aad nooga soo waranto nolosha Kamuunka aad ku nooshahay anagoo magacaaga ku xusi doona maqaalka.

Haddii aad jeceshahay in aad nooga soo waranto nolosha kamuunka aad ku nooshahay waxaan kaa dooneynaa in aad warbixin faahfaahsan naga siiso su’aala ay ka mid yihiin.

1. Guryaha: Sida looga helo guri kamuunkaaga? ma sahalbaa mise waa adagtahay? qiimaha kirada? yaa bixiya guryaha iyo wixii kale ee ku saabsan guriga.

2. Waxbarashada: Waxbarashada kamuunka, warbixin ku saabsan SFI, inta la sugo iskuulka, inta saacadood la dhigto? iyo wixii la mida.

3. Shaqada: waa sidee shaqa helida kamuunkaaga, baraatiik ma la isku diraa? meeqa saac ayaa baraatiiga la sameeyaa? waa maxay shaqooyinka lagu baraatiikeeyaa? shaqo ma helaan dadku kadib baraatiiga? iyo wixii kale ee ku saabsan shaqada iyo baraatiiga.

4. Nolosha: naga sii warbixin ku saabsan nolosha kamuunka, waa imisa kharashka uu kamuunka siiyo dadka? waa sidee qiimaha maciishada? dukaamada ku yaala meesha yaa ka mida? cunto xalaal ah si fiican ma looga helaa? Soomaali badan maku nool yihiin kamuunka ? jaaliyad ma leedihiin? masaajid ma leedahay?

5. Socodka iyo gaadiidka: waa sidee isku socodka kamuunka, basas iyo tareeno ma leedahay? meeqa ayaa lagu jartaa kaarka baska ama tareenka?

Shantaas qodob iyo wixii kale ee aad ku dari kartid fadlan noogu soo dir emailka info@somaliska.com waxaad soo raacin kartaa magacaaga. sawirkaaga haddii aad jeceshahay in lagugu soo bandhigo Somaliska.com iyo telfoonkaaga si aan kuula soo xiriirno haddii aan u baahano warbixin dheeri ah.

Waxaan rajenaynaa in aad nala shaqeysaan oo aad bulshada u faaideysaan sida aan idinkugu faaideyno.

Wasalamu Caleykum.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

26 Responses

  1. dalmar says:

    as mar hore mahadsanid marka xiga sxb waxan ubaahanahnay wabside joogto maalin walba si aan ula socono dhayinka caalamka ka dhaca ama wadan kaan laakin bishii mar qURA GÅR INTE weeeyaan sxb badi howshaada waa jraaa wariyaal aan dowli aheeeyn mana ogin howshaada intay gaarsiisan tahy adoo raali ah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. Jimcale says:

    cs walaal dalmar, waad ku mahadsantahay fikradaada. runtii aniga waxba kama qoro siyaasada Soomaaliya. Boggaan Somaliska waxa uu ku saabsan yahay Sweden iyo Somalida wayna adagtahay in maalikasta la helo warbixin ku xiiso u leh Soomaalida oo Sweden ka dhacda marka sidaa darteed ayay qaadataa waqti inta aan war qorno.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. Mohamed Welie says:

    waad mahadsantihiin dhammaan shaqaalaha kashaqeeya SOmalisam,
    inkastoo aanan lasocon hadda kahor haddana waxaan dareemayaa inaad tihiin dad doonaya inaad ushaqeysaan ummadda Soomaaliyeed ee ku nool waddankan Sweden.

    haddaba waa markii ugu horreysey ee aan idinla soo xiriiro, waxaanna jeclahay inaan hadda kaddib wada xiriirno.
    su’aalaha aad tiraahadeen hallaga soo waa kuwo sahlan laakiin waxaa laga yaabaa inaanan waqti u helin. Anigu waxaan ahay arday dhigta dugsiga sare ee looyaqaan VUX. waxaanna bartaa qayb farsamo oo layiraahdo CNC operatör. waxaan kadhigta skolka Lernia ee magaalada Göteborg.

    waan jeclahay inaad ila soo xiriirtaan si’aan bulshada xaaladeheeda uga wada shekeysanno, suáalahana waxaan jeclaan lahaa in aan telka uga wada hadalno. iisoo sheega shaqadiinna oo faahfaahsan fadlan. telkeygu waa 0704507378 tack.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Waan kaa qaaday salaanta walaal, waad ku mahadsantahay jawaabtaada. Insha Allah mar dhow ayaan kula soo xiriiri doonaa.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. issa din mohamed digfeer says:

    magaciiygu waa issa din digfeer waxan ku nolahay east africa gaar ahan dalka knya/nairobi waxan aad u daneyaa arimaha ama ka hadalka WEBka somaliska.com waxan ahaa deportrtion human righ elman center ama uririye waxan kaso shaqeyay hay,ado badan sida ICRC/ action farm / waxan ka qeeb galay simanrs badan hada waxan ka mid ah urur cusub oo layiraahdo SFP(somali forum progress) ee laga asasay dalka knya waxana ka mid ahay aqoonyahanada somaliyeed ee ku nool nairobi waxna hogamiya prov: ween ee wax ka dhiga jamacda appsala/swdn waxan donaya inaan idinla soo xiriiro
    waxana aad uggu dhuun dalolaa arimaha waxda socdalka swdn waxan adagan xaskeyga
    adresskeygu waa +254725176517 or +254732747470
    wasalama calaykum waraxna tulahi wabarakatuhu

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. mohamed says:

    sxb jimcaale aadbaad u mahadsantahay hoosha wado allaha kula garab galo gobaadin ma ehee dhaleecen malihid maxa yeele hadi hal qofaa ayaa dintaano hoola qabate marka wan ku mahadnaqane insha allah kommun aan kunoolahay information kiisana waan kuu so diiraya goordhow,vi hörs

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. Bashiir/Bishaar says:

    Asc Wr Wb , salaan diirran kedib , waxaan si wayn ugu mahad mahad celinayaa walaalaheena isku xilqaamay hawshaan aadka u culus.

    Run ahaantii su’aal/waydiin ayaan rabay in aan idin waydiiyo, mida kalena in aan walaalaheena fikradaha soo dhiibtay , fikrad u soo jeedsho.

    Haddii aan ku horu maro waydiintaydii ku socotay bahda Somaliska.com gaar ahaan Jaamac oo aan filaa in aw u xilsaaranyahay mawduucaan , ama maqaalkaan xal u helidiisa.

    Walaal runtii inta aanan waydiinta u daadegin , ka ani ahaan waxaan ahay wiil dhalinyaro ah aadna u jecel hurumarka bulshadeena Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda Iswiidhan/ Sweden , run ahaantiina markaan helay shabakadaan aad ayaan ula dhacay shalay ayayna ahayd markaan shabakada somaliska.com helay. Run ahaantii markaan sii baaray maqaalada xiisaha leh maqaalkaan ayaan arkay , maadaama aad caawimaad naga codsatay si arinto u dardar gasho ayaan jeclaystay inkastoo waqti iga dhicin ayaan gartay in ay tahay hawl xil iga saaranya in aan guto , sidaa awgeed ayaan rabay in aan kuu soo gudbiyo xogta guud ee Degfmadeena” Kammuun-keena , balse taariikhda maqaalka markaan arkay in aw Aguusto 2010 tahay ayaan is dhahay amaa waqtigaan lasoo dhaafay oo arintaan la gaba gabeeyay ? sidaa awgeed walaal hadda weli hawsha ma socotaa aan qaybtayda ka qaatee ? Waxaan deganahay Borlänge oo ah magaalada 4 ama 5 aad ee guud ahaan Sweden ugu Soomaalida badan , sidaa awgeedna Soomaalida xog muhiima ayay uga baahanta maadaama ay tahay magaalo Soomaali badan , welina soo degaan !! Walaal emailkayga iigu soo dir wixii dheeraada hawshaana waan gudanaa Alle idinkiis. Magacayguna waa Bashiir Macalin Cali / Bishaar Cali hadba kii la ii yaqaan .

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      bashiir salaan ka dib waan kaa sugeynaa warbixinta ku saabsan magaaladaada. mowduucaan taariikhdiisa dhib ma leh qofkasta waxaan ku dhiiri galineynaa in ay noo soo diraan nolosha kamuunkaaga.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Bashiir/Bishaar says:

    Asc , waayahay walaal waan u hawl gelaa hawshaa inkastoo aan horayba uga sii afeeftay in waqtiga si iigu filnayn , sidaa awgeed haddii hamsaan la iga dareemo hala ii dul qaato . Balse maahan taa micnaheedo in aan is dhiganaa , balse anigaa sida ugu dhaqsaha badan war uga keenaa, mida kale , in aan si diirran u turxaan bixiyo xogta meelo badana booqdo , dad badana waraysto ayay igu qaadanee, sidaa awgeed hala ii dulqaato . Mahadsanidiin. Asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. iqro says:

    asc waa idin salaamayaa dhamaantiin waxaan ka mid ahay dadka ku tixan somaliska.com wax yaabo badan ayana ka faa,iideystay waxaan idinka codsanaa hadey macquul tahay inaa ku soo dartaan waqtiyada salaada la tukado magaalooyinka sweden waa mahadsantihiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. Nolosha Kommunka Malung- Sälens Kommun says:

    Waxaan aad ugu farxaa mar walbo in aan arko Somalida oo Horumar sii gareyso. Kommunka Malung-Sälens Kommun Hadan ka hadlo waa Kommun u wanagsan Qowmiyada So galootiga Qasatan Somalida. Waa Kommun shaqoyin leh iyo waliba wax barasho.
    Waxii fah fahin ah wad ila soo xariri kartaan.
    Mahadsanidin.
    Waxan salan Qas ah u diriyaa Maamulaha Webbka Somaliska.com, Iyo waliba Shaqalaha Firfircon ee ka haqabtiray Somalida sida ay ula socon lahayd xalada Swedan.
    MVH Abdinaasir

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  10. Mohamed says:

    Waxaan deganahay Lessebo mudo dhawr bilood ah waana magaalo aan sidaas u sii xumayn laakiin waxay in ay socail nagu wareejinayaan. aniga waxaan wadanka oo dhan joogaa 8bilood oo keliya mana ku qanacsani in aan socail hadeer galo aniga oo aan SFI ga dhamaysan, hadii aan SFI ga dhamaystana waxaan diyaar u ahaa in aan shaqaysto oo aan social iyo cayrba ka maarmo.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. abdi samad says:

    aad ayaan ugu faraxsan ahay bogan jimcaale salaan sare walaalkay aad ayaan u xiiseeyaa webkan waayo waxaan deganahay swedan gaar ahaan waqooyiga waxaan aad u jeclahay inaan noqdo nin shaqaysta waxaan joogey swedan in 8 bilood gaadhaysa waana ku faraxsan ahay sf1 waan dhigtaa balse waxaan rabaa inaan noqdo qof ka maarma lacagta caydha laakiin shaqo waxaa laygu xidhay inaan luuqada barto insha alaah waan dadaali doonaa waad ku mahadsan tihiin jimcaale sii wada dedaalkiina

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. iqro says:

    asc dhamaan waa idin salaamay waxaan rabaa inaa wax ka weydiiyo c\naasir kamuunka malung ee sidee ula xariiri karaa ?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. wadani says:

    waaa idin idin salaamay mar ka hore marka labaad somaliska waxaan weydii maadamaa umada ushqeeyaan waxii macluumaad usoo gudbiyaad maxay uka warqabi waysan yihiin dhibaatada somalida laku hayo kamunka gävle oo biloobay hada dhaqan aan laku oqoon waliba soo wada dhaqamo kaleoo kasi daran marka waxaan ka codsanayaaa si aysan somalika kale ukusoo qaldamin gävle in lala sodocsiiyo somalida kaleinaysan imaanin ama usoo wareegsan waana mahadsan tihiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. yusuf abdi says:

    asc waan idin salaamay jimcaale iyo dhamaan hawlwadeenada somaliska.com waxaan ka faaloonayaa kammuunka aan deganahay oo magaciisa la yiraahdo sundsvall kamuun.sundsvallskammun wuxuu ku yaalaa bartamaha wadanka sweden wuxuu xakumaa gobolka laysku yiraahdo västernorrland waxaa degan qiyaastii dad dhan 100000 kun ilaa 110000 kun.magaalada gudaheeda waxaa ka shaqeeya basas iyo kuwa aada kamuunada u dhaw.sfi ga waxaa la galaa 8.30ka waxaa laga soo baxaa 14.00 dadka soo galootiga ah inta badan weey shaqeeyaan.magaaladu waxeey leedahay laba suuq oo aad u weeyn mid wuxuu ku yaala centrumka kan kalena wuxuu ku yaala geska magaalada waxaan la yiraahda suuqa Birsta. xaafad kasta oo magaalada dhexdeeda ah waxeey leedahay vårcentral iyo Bibliotiket u gaar ah.Waxaa intaas dheer qofkasta oo soo galooti ah wuxuu leeyahay sadex hanlegar midka dhaqaalaha kan shaqada iyo mid ka shaqeeya arimaha guud ee qofka lasoo gudboonaado.Waqtiga soo dhaweeynta waa laba sano. Sundsvall waa magaalada ugu biyaha macaan sweden, dadka ku nool waa dad furfuran maaha cunsiriyiin. Sundsvall waxeey Stockholm u jirtaa ilaa afar saac.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. general yaya says:

    nolasha kummon ka an katirsanahay ee gävle!!!
    inkasta aana daganayn waqti xadirkaan hadana gävle komun aan katirsanahay sida sharciga qof ungdorm ka walidna u joogin dalkaan uu qabo sanad school la aan ah aan ku soo qatay gävle iyo waqti adag lkn alxamdulillaah kulli shay!!! waxa xusid mudan magalada hada ku nolahay ee borlänge inay tahay meel shidan inaba caadi ahayn sanadkaas aan ku iloobay kumon keeda isma arkin lkn 2.000 somali aadagan caajis iyo murugba ma daremaysid marka borlänge timaado viva somaliweyn 🙂

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  1. September 6, 2010

    […] us Warka aad loo akhristo Wareysi aan la yeelanay laanta socdaalka Sweden. Nolosha Sweden: Waa sidee nolosha kamuunkaaga? Baasaboorka Soomaaliga iyo Hay’da Socdaalka Sweden Sharciga keenista kharaabada ee 15 April. […]

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. September 12, 2010

    […] Somaliga iyo Sweden (War Cusub) Baasaboorka Soomaaliga iyo Hay’da Socdaalka Sweden Nolosha Sweden: Waa sidee nolosha kamuunkaaga? Bulshada Fagersta oo Jaaliyad dooratay Wareysi aan la yeelanay laanta socdaalka Sweden. Amnesty oo […]

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. October 7, 2010

    […] us Warka aad loo akhristo Aqoonsiga baasaboorka Somaliga iyo Sweden (War Cusub) Nolosha Sweden: Waa sidee nolosha kamuunkaaga? Sharciga keenista kharaabada ee 15 April. Wareysi aan la yeelanay laanta socdaalka Sweden. […]

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. October 10, 2010

    […] us Warka aad loo akhristo Aqoonsiga baasaboorka Somaliga iyo Sweden (War Cusub) Nolosha Sweden: Waa sidee nolosha kamuunkaaga? Golaha Wasiirada Sweden oo la magacaabay iyo Mudane Soomaali ah oo baarlamaanka soo galay Wareysi […]

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. October 18, 2010

    […] us Warka aad loo akhristo Aqoonsiga baasaboorka Somaliga iyo Sweden (War Cusub) Nolosha Sweden: Waa sidee nolosha kamuunkaaga? Wasiirka Socdaalka oo doonaya in uu caawiyo Soomaalida Golaha Wasiirada Sweden oo la magacaabay iyo […]

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. January 19, 2011

    […] waa mid ka mid ah barnaamijkii aan ugu tala galnay in aan kaga warano nolosha kamuunada Sweden. Adiguna waxaad noo soo diri kartaa warbixin ku saabsan nolosha kamuunka aad ku nooshahay. […]

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0