Nolosha: Tiro koob xiiso leh

6

Nolashu waa mid isbedal badan balse waxaa jira waxyaabo joogto ah oo aad sameyso maalin walba. Ma ogtahay haddii laysku xiro dhirirka tintaada in ay gaari karto 950km?

Telefishinka National Geographic ayaa tiro koob xiiso badan oo uu ku sameeyay nolosha bani’aadamka ku soo bandhigay nambaro isku celcelis ah oo xiiso badan. Tiro koobkaan waxa uu quseeyaa dadka ku nool nolosha reer galbeedka.

– Taariikhda dhalashadaada waxaad la wadaagaysaa 17 milyan oo qof.

– 10-ka sano ee ugu horeysa iskuulkaaga waxaad yeelaneysaa 17 asxaab ah. Balse marka aad 40 gaadho waxaa ka soo haraya 2 oo keliya.

– Tintaada kobaceedu waxa uu gaari karaa 950km

– Isku celcelis maalintii waxaad qosleysaa 18 jeer

– Socodkaaga lugta waxa uu 3 jeer ku soo wareegi karaa dhulka

– Waxaad cuneysa qiyaastii 30 ton oo cunto ah.

– Isku celcelis 10 sano oo noloshaada ah ayaad shaqo ku dhameysaneysaa.

– 20 sano hurdo ayaad ku dhameysanaysaa.

– 3 sano waxay kaaga baxaysaa suuliga.

– 7 bilood waxay ku dhamaanaysaa sugitaanka gaadiidka dadweynaha.

– 2 bilood waxay ku baxaysaa inta aad qof telefoonka ku sugeyso.

– 12 sano waxay ku dhamaansayaa daawashada teleshinka.

– 19 maalmood waxaad ku bixinaysaa raadinta remooka tv-ga.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here