Noorweey: Hooyo soomaaliyeed oo labbo nin oo cunsuriyiin ahi mindyo ku weerareen

0

Hooyo soomaaliyeed oo lugu magacaabo Safiyo Ciise Saalax, islamarkaasina degan magaaladda Oslo ee dalka Noorweey ayaa maalintii talaadada ee ina soo dhaaftay waxaa dhaawac u geeystay labbo nin oo la runsan yahay ineey  yihiin kooxaha  cunsuriyiinta dalkaasi.

Hooyadan oo u warameeysay mid ka ah wargeeysyadda dalkaasi oo la yiraahdo Dagbladet ayaa sheegtay in maalintii la weersrayey aheyd subax arooryaad oo ay geeysay iskuulka wiilkeedii, ka dib intii ay soo socotay ay damacday ineey ku nasato goob dadku ku nastaan, kolkii ay ka war heshay labbo nin oo dhinaceeda fadhiyey waa sida ay hadalka u dhigtaye ay bilaabaan ineey caayaan shaqsiyadeeda iyo diinteeda. Safiyo ayaa sidoo kale sheegtay in  ay ku baraarugtay nin mindi wata oo soo dul istaagay oo damcay in xabadka kaga dhifto hase ahaatee ay ka booday meesha.

Wuxuu  si toos ah iila beegsaday mindida xabadka iyo qoorta, hase ahaatee waxaan isku tuuray bidix oo mindidiina gacanta middig ayey iiga dhacday, kolkii aan isku dayey inaan ka kaco meesha ayaa kii kalena qoorta iga qabtay (qoor sagaaro) halkii uu kii kalena ee mindada watayaa uu iiga dhiftay gacanta,” ayey tiri Safiyo oo hadalkeeda intaas ku dartay in ay qaniinyo iskaga fujisay kii qoorta gacanta kaga hayey islamarkaasina ay qeylo afka furatay iyadii raggii weeraray ay ka baxsadeen goobta.  Hooyadan soomaaliyeed ayaa loola cararay isbitaalka magaaladda Oslo, halkaas oo lugu dabiibayey dhaawicii ka soo gaaray weerarkaasi. Ma jirto cid loo soo qabtay, hase ahaatee booliska Oslo waxeey sheegeen in eey ku  raad joogaan labaddii nin ee falkaasi geeystay. Dhacda-dan  ayaa ugu dambeyntii waxaa ay argagax ku riday soomaalida Oslo oo haatan qaarkood sheegeen in eey dareemayaan cabsi falkaasi ka dib.

Falalka noocaan ah ayaa ah kuwo ku soo badanaya dalalka dunida galbeedka halkaasoo kooxo madax maray naceeybka muslimiinta iyo ajaanibta ay bar tilmameedsadaan dadka ajaanibta ah gaar ahaan kuwooda muslinka ah.
Somaliska.com/Norska Dagbladet

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here