Noorweey oo sharcigii kala noqotay ajaanib ay soomaalidu ka mid tahay

Dalka Norway ayaa wararka eeynu ka heleyno waxaa ay sheegayaan in ajaanib ay soomaalida ka mid tahay sharciggii dal ku jooga dalkaasi lagala noqday.

Dadkaan sharciyada lagala noqday ayaa tiradooda gaareysa 800 00 qof, waxaana ay ka kala yimaadeen Soomaaliya, Afgaanistaan iyo Ciraaq. Dadkan ayaa lugu eedeyey ineey dhawaan u baqooleen dalalkooda ay ka soo hayaameen, halka qaar kalena lugu  sheegay ineey ka been sheegeen aqoonsigooda iyo codsigooda magangalyo doonimo.

Wasiiradda socdaalka dalkaasi haweeneyda la yiraahdo Sylvia Listaug, ayaa daboolka ka qaaday in baaritaano la sameeyn doono la xirriira dadyowga ka been sheegay aqoonsiga iyo dalalkii ay ka yimadeen, waxaana ay carabka ku dhifatay in dadkaasi dalka laga musaafurin doono.

Soomalida qaar ee ku nool magaaladda caasimadda ah ee Oslo, ayaa sheegay in dowladda u soo dirtay fariimo loo sheegayo in lagala noqday sharcigii ay dalkaasi ku heeysteen. Waxaa ay sidoo kale sheegeen in Noorweey aannu heeyn cadeeymo muujinayo waxyaabaha ay ku eedeeyneyso, marka laga reebbo beey yiraahdeen in dowladdu ku qamaamtay baraha bulshadda ee sida facebook-ga, twitter-ka iyo aaladaha kale ka soo arruurisay xog la xirriirta noloshooda iyo masaariifta ay diraan.

Ugu dambeyntii soomaalida Noorweey ee lugu wargeliyey in sharciyada lagala noqonayo, ayaa walaac la soo deristay tan iyo bishii ina dhaaftay markii ay soo baxeen wararkaasi dib kala noqoshadda sharcigga.

Faafi mowduucaan

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

5 Responses

  1. luul says:

    asc
    taasi waa arin aad u dhibbadan balse waxaa la yiri geeridii galbeed laga sheego gondahaaga ka fiiri waa sidey u bilaabatay ninki isku tashan lahaa iyo kii iska habacsanaan lahaa waxaa la yiri isma hurtooy ha is haleyn lama huraana waa dalkii allow nabad nooga yeel aamiin

    Fikrad lala dhacay Thumb up 21 Thumb down 1

  2. ismail says:

    nacnac waxeey barteen anaga yuribiyaan ayaanu nahay waligiinba somali ayaad ahaan doontaan dadka ismooday ineey dhalasho qaateen afkana kuhaayo yurub yurub hhhhhh

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 5 Thumb down 7

  3. Fadumo says:

    Mar haday ka bilaabatay norway. Yurubta kalena kafilo sanad gudihiis lama huraan wa cawaska jiilaal halaga tashado meshan

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 1

  4. Somali says:

    Reysalwasaaraha norwey oo bogeeda facebook ka bixisey comment ayaa gabar qabto niqaad ku dhahdey heli meysid shaqo… ka aqri halkaan
    Norges statsminister gör utspel om niqab http://www.expressen.se/nyheter/norges-statsminister-gor-utspel-om-niqab/

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. Somali says:

    Asc
    Jimcaale sxb noo soo turjum adoo raali ah iskuma fiicnin luuqada svenske mahadsanid.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1