Nordea oo isaga guuraya xaafada Tensta

Bankiga Nordea ayaa xiraya xafiiskooda ku yaala xaafada ay Soomaalidu u badanyihiin eeTensta, Stockholm ka dib markii uu xafiisku xirnaa mudo.

Xafiiska Nordea ee ku yaala Tensta Centrum ayaa mudo xirnaa iyadoo hada maamulka Nordea ay ku dhawaaqeen in aan dib loo furi doonin goobtaas. Arintaan ayaa walwal ku abuurtay ganacsatada halkaasi ku nool iyo shacabka oo hada ka dib ku qasbanaan doona in ay aadaan Kista.

Sababta ka dambeysa xiritaanka xafiiska Nordea oo dad badan ay macaamiil ka yihiin ayaa ah in bankigu uu ka arki waayay wax dan ah maadaama dadka inta badan ay isticmaalaan kaash. Dhinaca kale, sanadihii dambe ayaa waxaa isaga guurayay adeegyada bulshada ee muhiimka ah xaafadaha soo galootigu u badanyihiin ee magaalada Stockholm.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

5 Responses

  1. Adow says:

    Somalida sey muqdisho ooga timid yaa baray sida bank wax lodhigto,jeebkay kuqaadani,blse why saminer logu furi waayay wa iga su’ale,

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  2. Abdullahi says:

    waan gartay in laxiray bankiga Tensta marak maxaad lacag cadaana ku falaysaan maad Akoonka wax uga gadataan waa idinsee waligiin majeebkaad wax ku wadansaan waa suaale?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  3. disowboy says:

    soomaalida maxay bangi wax dhigtaan waxa lasiiyaba waa wax aan afka iyo aqalkaba kabadneynee, haday shaqeysan lahaayeen su,aashaas waan is weydiin laheen. laakinse mashaqeeste maxaw koonto furtaa hahha

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. Ali Dheere, says:

    Assalaamu caleykum

    wax inoo roon rabbi baa og balse annaga awelba waxa aan dhiganno ayaan ka qaadaneynay, waxa ay rabaanina waa inaan ribo siinno Iintaan gaadiid iyo guryo gadanno,markii ay naga waayeenna way na naceen laakiinn ilaahey nama nicin waxaanna rajeyneynaa in banki Islaami ahi baddalkooda inoo galo kaasoo aan ribo naga qaadeynin, markaas ayaan guryo iyo waxyaabo kaleba gadan doonnaa horumarna gaari doonnaa insha,allaah,
    NIN ALLAAH LEH LOOMA DARDAAR WERIYO.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  5. fatima says:

    adow somalida d oo dhan ma waxay kula tahay ineey muqdisho ka timi

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0