Norway: “Barafka ayaan ku tukaneynaa ilaa qol aan ku tukano nala siiyo”

30

Arday dhigata dugsi sare oo ku yaala magaalada Oslo ayaa bilaabay mudaharaad ay salaada ku tukanayaan barafka ilaa laga siiyo goob ay ku tukadaan. Ardayga lagu magacaabo Ibrahim El Kadi ayaa maamulka iskuulka ka dalbaday haddii uu ku tukankaro iskuulka balse waxaa loo sheegay in iskuulku uusan ahayn goob diimeed ee uu yahay goob waxbarasho sidaa darteedna aan la ogoleyn in lagu tukado.

Ka dib diidmada salaada ayaa Ibrahim iyo 40 arday oo kale waxay bilaabeen in ay salaada ku tukadaan baarkinka baabuurta la dhigto iyadoo uu jiro qaboow aad u sareeya. Maamulka ayaa ku adkeystay go’aankiisa isla markaana ardada ayaa sheegay in ay barafka ku tukanayaan ilaa looga ogolaado goob ay ku tukadaan.

Hadaba su’aashu waxay tahay maku saxsanyihiin ardada Muslimiinta ahi in ay dalbadaan qol gaar ah oo ay ku tukadaan? mise waxaa ka haboon in aysan tooshka isku daarin oo markii ay tukanayaan ay isticmaalaan qololka banaan ee iskuulka?

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here