Norway: Kufsiyada oo siyaaday iyo soo galootiga oo eeda la saaray

8

Dalka Norway ayaa sanadkaan waxaa laba jibaarmay kufsiga loo geysto gabdhaha wadankaas u dhashay iyadoo la sheegay in inta badan ay masuul ka yihiin falalkaas dadka soo galootiga ah qaasatan kuwa sharci sugayaasha ah.

Dhacdadii u dambeysay ayaa dhacday habeenkii sabtidii ka dib markii labo gabdhood oo da’yar ay weerar ku soo qaadeen 5 ragg ah oo la sheegay in ay ka soo kala jeedaan Afghanistan iyo Pakististan. Dhacdadaas ayaa qaylo dhaan ka dhalisay dalka Norway iyadoo xitaa gudoomiyaha magaalada Oslo uu ku baaqay in la yareeyo xoriyada socodka ee magangalyo doonka.

Wargeysyada dalkaasi Norway ayaa qoray in isbuucii la soo dhaafay oo keliya 5 kufsi ay ka dheceen dalkaasi iyadoo la sheegay in ugu yaraan 4 ay geysteen dad ajaanib ah. Gudoomiyaha degmada ayaa ku baaqay in ficil degdeg ah la sameeyo si arintaan loo joojiyo. Booliska ayaa sheegay in inta badan kufsiyadii dhacay sanadkaan aan la aqoonsan cida geysatay balse waxay sheegeen tirakoobka inta la aqoonsaday in ajaanibtu ay yihiin kuwa ugu yar ee kufsiyada geysta.

Laanta Socdaalka Norway ayaa sheegtay in ay ka walwalsantahay in dhamaan magangalyo doonka oo dhan lagu shaabadaynayo in ay dambiileyaal yihiin.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here