Norway oo bilowday in ay Soomaalida ka ceshato baasaboorka iyo sharciga

Dowlada Norway ayaa baasaboorka ka ceshatay dhowr qof oo Soomaali ah kuwaasoo lagu amray in ay wadanka isaga baxaan si degdeg ah. Labadii sano ee la soo dhaafay ayaa Norway waxay baaritaan ku haysay dhowr boqol oo Soomaali ah kuwaasoo looga shakiyay in ay been ka sheegeen codsigooda qaxootinimo. Dadkdaas ayaa qaarkood looga shaki qabay in ay yihiin reer Jibuuti iyo wadamo kale.

Hadda ayaa hay’ada socdaalka Norway UDI waxay baasaboorka dhalashada kala noqotay dhowr qof oo Soomaali ah. Halka qaar kale laga ceshaday sharcigii deganaanshaha. Dadlkaas ayaa lagu amray in ay wadanka Norway degdeg uga baxaan. Mahad Abib Mahamud oo Norway soo galay sanadkii 2000 ayaa ka mid ah dadka sharciga laga ceshaday, iyadoo la sheegay in dadkale ay soo jaajuuseen.

Hay’ada UDI ayaa sheegtay in ay ninkaan baaritaan dheer ku sameeyeen sida safaradii uu ku tagay Jibuuti, lacagaha uu diro, luuqadiisa, telefoonada uu waco, dadka uu Facebook saaxiib kula yahay iyo xitaa xaaskiisii hore oo ay wareysi ay la yeesheen.

Ninkaan ayaa isagu ku dooday in ay soo jaajuuseen dad siyaasiyiin ah oo isaga ka soo horjeeda.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

16 Responses

  1. Xamareey says:

    Waa yaab,, oo shaley 18ka may ayey eheed Oslo Ayaana xaflada somaliland ka dhacdey mulugu Qafsandonaa,, somaliland aniga uma arko wadan shisheeyey waa dag somali ee siyaasad baa na kala kaxerysay,,

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  2. Warsame says:

    Somaliland iyo jabuuti waa dad walaalaheena oo Somaliyeed ee dad aan nugu luqad iyo dhaqan ahayn aa Soomaalinimo wax kuqaatay sida Oromada itobiyanka ugabdheeska kenya tige, iwm

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  3. Reer xamar says:

    Jabbuti iyo somaliland waa dad soomaaliyeed cakankeey doonaan ha qaataan ..

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  4. Amal says:

    Haa waa sax dhamaan waa dad soomaaliyed laakin magaca lagu yaqaano le Facebook haku isticmaalano waxaan arkay dad badan o aan magaca aan lagu aqaanin iyo calamo kale ku isticmaalo Facebook waane wax jiro marka iska ilaaliya Facebook iyo meelaha kale

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  5. jeeri says:

    somalida qaar wexey moodan gaalka inuu waxba ogeyn oo lasiri karo. beenta maanta aad sheekto wuxuu dhibaato kuukeni karaa 20 sano kadib si lama filaan ah weliba.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  6. nuuraayo says:

    bismillaah Alle hanaga qaabto waa yaab dadka xasidnimo badana mexey ka dheefayan jaajuus nimaada yaaahuu war xasidnimada daaya sharciga lantasocodalka alle uga so qadeey sharciga maxad ka xasdeysaan dadka.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  7. Reer xamar says:

    Nuuraayo niyow ma dhiman tahey adi waxa laga hadlaayo si fiican u aqri.. Waa dad soomaaliyeed yaa xasday. Waaba u hiilineynaa… Is ilaaliya walalaheega somalilanderka

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  8. Gudoomiyaha Dhalinyarada Somaliyeed ee Yurub says:

    Aniga oo ah Gudoomiyaha Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Yurub Waxaan Halkan ka Cambaaraynayaa Cid Walba oo ku kacday Falkaas, Dowlada Norway-na Waxaan Si Sharaf Leh uuga Codsanayaa Inay Ninkaas Sharcigiisa uugu soo Celiso,
    Allaa Mahad Leh
    Gudoomiye ILYAAS ILDAB.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  9. Cade says:

    Waxaan halkaan ka salaamayaa dhamaan wlalahayga somaliyeed salaan kadib waxaa jirto in ay dowlada sweden mar dhaw ay ku wargalisay dad haysto 3 diidmo ama ku xukumay dib u celin go’aankaas waxuu hergalayaa taariikhda markay tahay 1/6/2016 go’ankanah waa in dadka kaamamka aykabaxaan lacagta laga wada jaro kaarka loo yaqaano l ma kort laga qaado marka walaala yaal waxaa jiraan soomaali badan oo dhibkaan saamaynaayo waxaa loobaahanyahay in garab naga niilaga helo garabkaas oo banaabax inaad ku caawisaan aad usoo baxdaa meel ala meelaad joogtaan waxaan codsanayaa in wlalkeen Jimcaale oo kahadlo kana bixiyo faahfaahin fiican mahadsanidiin

    Fikrad lala dhacay Thumb up 11 Thumb down 0

  10. Xamareey says:

    Allah ha u fududeeyo dhamaan walaalaheega sharci la,aanta ku ah sweden ,,

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  11. Mo deq says:

    waa idin salaamay Somaliska, Aniga webkaan waxaan ku xirnaa ilaa iyo 2013 Sweden na madagani mar walbana waxaa iska jeclahay inaan soobooqdo oo aqriyo, kor waxaa ku arkaa wadamada aa wax kaqortaan sida Sweden, Denmark, Finland, Norway, Germany oo aan filaayo inaa hada dhow kusoo darteen, marka waxaan idin dhihi lahaa Switzerlan ayadana wax kaqora kuna soodara waana mahadsan tihiin.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  12. Jk says:

    Norige och Sverige är olika länder man kan stödja vad man vill och alla har rätt som alla andra.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 4

  13. hodan says:

    runtii hadaan nahay somaliland waxaan cadw modnay waa sadiiqeena cadawgenana waan soo dhaway sanay markaa run ahaantii iskadaa wax kalee runtu waxay tahaay itopiya inay cadawgeena tahay lakiin nasiib daro madaxdii ayaa soo dhawaysatoo waku waa dadkii laayay 60 qofayaay inaga layeen miyaan ilaawaynaaba

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. Ali says:

    Asc beebta hala joojiyo norwey somali kama ceshan baasaboor anagaa ku nool ee dadka somalia diidka oo marka hore somali ku tuugtamaayo hadhoowna calan kale qaadanaayo ayeey kala laabatay we somalia lagalama noqon basaboorka dadka hada qeeylinaayo was dad diidan jiritaanka somaliya qofkii beceb somaliya ayeey ka ceshatay hada miyeey somalia noqdeen dadka idaacada ka qedylinaayo somalia diid ha dhaco

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. Kkkkkkkjn says:

    Ok saas maad noogu sharaxdid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. Kkkkkkkjn says:

    Halaga qaato cida aan soomali rabin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0