Norway oo Soomaalida qasab ku celinaysa

25

Dowlada Norway ayaa doonaysa in Soomaalida sharciga loo diiday in ay qasab dib ugu celiyaan Soomaaliya qaasatan Muqdisho iyo deegaanada ku dhow. Isbuuci la soo dhaafay ayaa waxaa shir qarsoodi ah magaalada Muqdisho ku yeeshay xogyaha madaxtooyada Norway  PÃ¥l Lønseth iyo wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya Abdisamad Mo’allin Mohamud kuwaasoo ka wada hadlay celinta Soomaalida.

Norway ayaa hada qorsheynaysa in Soomaaalida qasab loogu tarxiilo Soomaaliya iyadoo aysan horey toos ugu celin jirin Muqdisho. Qaabilaada dadka la celinayo ayaa u muuqata mid ay dowlada kumeelgaarka Soomaaliya dhabarka u dhigatay.

-Waxaan dooneynaa in aan qasab dadka ugu celino Soomaaliya. Waxaan sidoo kale taageereynaa mashruucyo lagu hormarinayo dib u dhiska wadanka, ayuu Pål Lønseth u sheegay wakaalada wararka AP.

Wali lama shaacin xiliga ay arintaan bilaaban doonto balse haddii ay dhacdo ayay u badantahay in wadamo kale ay raaci doonaan wadada Norway. Qaasatan wadanka aan ku noolnahay ee Sweden kuwaasoo aan iyaga laftoodu Soomaalida toos u celin balse haddii Norway samayso ayaa laga yaabaa in ay sidoo kale sameeyaan.

Soomaalida ayaa ugu badan dadka magan galyada ka dalbada Norway. Sanadkii 2011 ayaa waxaa Norway iska dhiibay 1422 qof oo Soomaali ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here