Nuradiin Farah: Soomaalidu waxay iga codsadeen in aanan ku hor ceebayn Swedishka

Nuradiin Farah oo ah qoraaga Soomaaliyeed ee caanka ah ayaa wareysi uu siiyay telefishinka Sweden u sheegay in markii uu ka qeyb galay kulan ka dhacay magaalada Malmö isbuucii hore ay Soomaalida qaarkood u sheegeen in uusan ku ceebeyn Swedishka hortooda. Nuradiin Farah oo u muuqda nin ay aad u jecelyihiin reer galbeedka ayaa dood weyn ka dhaliyay Sweden.

Qoraaga ayaa markii uu Malmö tagay waxa uu Swedishka u sheegay in Soomaalida qurbaha ku nool ay noqdeen kuwo xagjiriin ah oo diinta ku dhagan, isagoo isku tilmaamay Muslim cilmaani ah oo aan diinta ku dhaganayn. Waxa uu intaasi ku daray in cayrtu ay dhibaato u keentay Soomaalida Sweden. Isagoo ula jeeda in Soomaalidu halkii ay ka shaqaysan lahaayeen ay ku tashanayaan in dowladu cayrta siiso.

Hadaladaas ayaa waxaa ka carooday Soomaali badan oo cadeeyay in uusan ninkaan matalin Soomaalida ee uu ka hadlay aragtidiisa gaarka ah. Wareygsiga cusub oo uu siiyay telefishinka SVT barnaamijka Babel ayuu kaga hadlay arimo badan iyo in uu jecelyahay in uu dood abuuro. Waxa uu sheegay in Soomaalidu ay ku xooganyihiin cambaareynta balse ay ku liitaan amaanta.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

16 Responses

  1. Faarax says:

    Dabadhilif calooshiisa u shaqeyste isaga ugama horeynin.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

  2. luul says:

    asc
    wexey aniga ila tahay in uu ninkan sharaf ku raadinayo in uu dadkiisa caayo lkin dhib weyn oyuu noo geystay oo uu garab ku siiyey kooxda cunsuriyiinta ah wadadii ey rabeena waa uu u furay mida lake fikirka ah in eysan soomaalidu eysan shaqo rabin waa qalad wayoo dadku isku mid maaha hadii ey jiraan dad an shaqo rabin waxaa ka badan inta shaqa rabta ee weyday waxase layab leh midkastoo magac doon ah in uu soomaalida caydeeda caday ka dhigto

    Fikrad lala dhacay Thumb up 9 Thumb down 0

  3. hanoolaato says:

    Wuxuu ogyahay nuuradiin inta kaliya ee lagu qadarinayaa abaal marintana uu ku helay inay tahay somali wax xun ka sheega, bal hala soo helo nuuradiin oo ku faanaya somalinimadiisa iyo muslim nimadiisa? Waxa uu jeclaystay in la siiyo abaalmarin isna uu dadka uu ka soo jeedo markasta wax ay ka xumaadaan uu sheeg sheego. Hadii uu noqon lahaa nin dadka somaliyeed ee uu ka dhashay jecel qiimana u haya u haya wakhtigiisa iyo qoraaladiisana ku guubaabiya horta abaalmarinta uu maanta haysto ma heleen sababtoo ah Somalia dawlad ma aha, balse umada somaliyeed ayuu qadarin iyo magac fiican iyo Bari markay somaliya dhisantoba lagu xusilahaa meel walba. Hadase somali qadarin uma hayso, waxa ka hadhayna waa cay uu dadkiisa caayey kaliya

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 2

  4. siraad says:

    Asc Aniga malintii hore ee ad soqoreene ninkan waa ka.amusay. Laakiin manta amuusnaan waa iga dhamaan. Waa nin dabadhilif ah oo odaay aan dadkiisa iyo odaay cajuus ah oo an dadntiisa aqaan waye.somali hadan nahaay waxaan horaay uniri shaqaan aa sharaafleh shalaay aa ah tiden shaxaad ee dhaqtarka marka ma waxa nahaay dad shaqolaheey.shaqada neceeb maya maya

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  5. siraad says:

    Waxa kawada shahleeybe aa ah hatide shaxaad ee dhanaata

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  6. Matii says:

    Nuurdiin waxaan KU cambaareynayaa inuu wax guud ka wada dhigin somalida waa dad aad u jecel shaqada

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  7. Jug Dheh says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 2 Thumb down 8

  8. Cali M. Cabdi says:

    Weli ma fahmin danta qaaska ah ee Nuuradiin ka leeyahay Fadeexeynta Ummad dhan!!!…..laakiin waxaan iska dhaadhiciyey oon nafteyda fahamsiiyey in Odeyga uu yahay “Uncle Tom”-ka soomaalida ee casrigan la jooggo.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  9. Jk says:

    Cajuus waliba hanagu neefsado ileen ibtilo waa tan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  10. Uurdoox says:

    ODAYGAAN NUUR DIIN MA EHEE WAA CADAW DIIN ,,ODAYGAAN SHAXAAD DOON WAAYE REER GALBEEDKE AYUU GURBAAN U TUMAA ,MARKE WAA ODAY KHAATUMO AH OO DHAQAN XUMOO IYO AFLAGAADO USOO JEESTAY. .JIMCAALOOW FADLAN SIDEE CODKEENE AAN UGAARSIINAA TV GE UKAHADLAY SI LOO OGAADO BARABAGAANDADE RAQIISKA AH EE UU RABO INUU WAX KU CUNO. ..

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  11. Amiin says:

    Odagani gajo ayaa heyso waa sidi madaxda somaliyed oo wadakoda ibsaday kane waa oday nacud ah oo dhimarbo hadana lacak radis ah balayada xagu ka yahay aqon yahan balayo ku arkti dheh

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  12. Amiin says:

    Odogani tuga ah ee nuradiin aqotisa ma jajusba midwalbo somali ah oo ku fano aqon ma dadkisa buu rufiyanaya

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  13. yoonis says:

    waxaan la yaabay soomaaliga gaalooba iyo kii ilbaxa waxa dadkiisa daba dhiga umadaha kale kuma mashquulaan dadkooda kii halaaba

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  14. wiil somaiyeet says:

    Asc koleey sida aniga ila tahey ninkani kama duwana kuwii hore ee somalida ahaa ee marki wax yar is moodeen dadki eey ka dhasheen dacaayad ula soo jeestaan laakiin waxaan ognahey meeshey ku danbeyey kana meeshi ayuu ku danbeenayaa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  15. Abdiraxmaan says:

    Siraas
    Afsomaliga baro fadlan hadii kale waxba ha soo qorin.hal eray toona waan ka fahmi waayay qoraalkaada.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0