Nuruddin Farah: Soomaalida Sweden cayrta ayaa dhibaato u keentay

29

Qoraaga caanka ah ee Nuruddin Farah oo isbuucaan booqasho ku yimid Sweden ayaa wareysi uu siiyay wargeyska Sydsvenskan waxa uu kaga hadlay arimo badan oo ku saabsan Soomaalida qurbaha. Nuuradiin ayaa qaasatan farta ku fiiqay dhibaatada isdhexgalka ee haysta Soomaalida ku nool Sweden.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Soomaalida ku nool Sweden ay noqdaan kuwo xagjir ah oo diinta ku dhagan, maadaama ay ku adagtahay in ay wadanka dhex-galaan oo shaqo helaan. Kuwa Maraykanka iyo Kanada ayuu sheegay in ay naga fursado iyo waxbarasho fiicanyihiin.

Nuuradiin ayaa wargeyska u sheegay in cayrtu ay dhibaato u keentay Soomaalida. Isagoo ula jeeda in Soomaalidu halkii ay ka shaqaysan lahaayeen ay ku tashanayaan in dowladu cayrta siiso.

Nuuraadiin Farah ma ahan qofkii ugu horeeyay ee tilmaamay arintaan, balse waxaa xusid mudan in Sweden ay kaga duwantahay wadamada Maraykanka iyo Kanada in luuqada wadanku ay dadka ku adagtahay isla markaana bulshada Sweden ay yihiin kuwo cunsuriyiin ah marka loo barbar dhigo wadamada kale, balse in Soomaalida qaar aysan dooneyn in ay shaqaystaan iyaga oo cayr heli kara ayaa ah arin la wada-ogyahay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here