Nyamko Sabuni oo is casishay

Wasiirada sinaanshaha Sweden Nyamko Sabuni ayaa ku dhawaaqday in ay iska casishay xilkeedii islanyamko_sabuni markaana ay isaga baxday baarlamaanka Sweden. Sabuni ayaa sheegtay in iskeed ay u go’aansatay in ay isaga baxdo siyaasada.

Wasiiradaan oo ahayd wasiirka keliya ee soo galootiga ah kana soo jeeda wadanka Burundi ayaa sanadkii 2006 waxay noqotay wasiirka isdhexgalka, iyadoo sanadkii 2010 loo magacaabay wasiirada sinaanshaha iyo waxbarashada.

“Waxaan go’aansaday in aanan ka qeyb qaadan doorashada 2014, sidaa darteed ayaan hada isku casilay si aan waqti u siiyo qofka i bedalaya. Waxaan aad uga mahad naqayaa taageerada aan ka helay madaxda xisbigayga” ayay tiri Nyamko Sabuni.

Sabuni ayaa ka tirsan xisbiga Folkpartiet (FP). Waxay wadanka Sweden soo gashay iyada oo 12 sano jir ah, iyadoo ku biirtay baarlamaanka Sweden sanadkii 2002. Sabuni ayaa ku dhalatay magaalada Bujumbura ee caasimada Burundi sanadkii 1969. Hooyadeed waa Muslim halka aabaheed uu yahay Kiristaan.

Raysal wasaaraha Sweden Fredrikk Reinfeldt iyo hogaamiyaha xisbiga Folkpartiet Jan Björklund ayaa saakay ku dhawaaqay in Sabuni ay badali doonto haweeney aan sidaa loo aqoon oo lagu magacaabo Maria Arnholm oo horay xog hayn ugu ahayd  Nyamko Sabuni.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

7 Responses

  1. luul says:

    asc waa xubin naga maqan hadii aan afrikan nahay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  2. somaliska.com says:

    kk.. luul wad iga qoslisay wa runtii …kasi jeclaan lahaa in gabar adiga oo kale loo dhibo hh..

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. Ali says:

    Soomaaliyeey anigaa sharraxan sanadkaan ee halla i taageero, waan istijaabinayaa ee xagga niyadda io codka ugu taageera isla xisbigaan ayaan ka tirsanahay, waxaan rabaa xibin baarlamaan, dabadeedna waxaan qalqaalsanayaa wasiir, runtii muddo ayaan ku fakarayey laakiin hadda ayaan go,aansaday in aan dhiirrado, soomaaliyeey ii soo duceeya waa arrin noo wada dan ah haddii aan ku guulaysanno riyadeenna.
    Wabbillahi towfiiq
    Mudane. Ali Bilaal

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  4. Atta says:

    sxb cali mala hubaa hee mise waxaaga waa af macaani oo hadhoowaa rabtaa sida madaxda wadankeena oo kale inaa nagu noqotit.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. xog ogaal says:

    Miss sabuni sababaha ay isku casishay waxaa ka mid ah waxay rabtaa in ay noqoto taliye ku xigeen ciidamada buruundi ee fadhigoodu yahay magaalada muqdisho oo gacansiiya DFS

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. cabdi says:

    warkaas malahubaahee ameey wax kajirin soomali wasiir ah maxaa loo waaye mise wax mabartaan ayaga oo isqabqabsi ayeey kabixi la.yihiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Abdifatah says:

    DIGNIIN

    Waxaan walalkay islamka ah somlaiga ah ooga digayaa jimcaale in webkiisa uusan ku xayaysiisan website yada xun xun sida kuwa dumarka qaawan .

    Walaal xayaysiintaa lacagtii kaa soo gasho waa xaaraan ku soo gashay aanan kaa bixi doonin , hurmar adunyo iyo mid aaqira na hoos ku dhigto.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0