Obama oo booqasho ku imaanaya Sweden

3

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa shaaciyay in uu bisha soo socota booqasho ku imaanayo Sweden halkii uu ka obamatagi lahaa Magaalada Mosco, Russia. Obama oo ka carooday markii Ruushka ay magangalyo siiyeen nin Maraykanka uu doonayo ayaa sheegay in uusan la kulmi doonin Vladamir Putin balse uu Stockholm waqtigiisa ku qaadan doono oo uu la fariisan doono raysal wasaaraha Sweden Fredrik Reinfeldt.

Booqashada Obama ayaa noqonaysa midii ugu horeysay ee Madaxweyne maraykanka ah si toos ah ugu yimaado Sweden. Markii ugu horeysay ee Madaxweyne Maraykan ah uu booqasho ku yimaado Sweden ayay ahayd sanadkii 2001 kaasoo uu Bush shir uga qeyb galay magaalada Göteborg. Booqashadii Bush ayaa dhalisay mudaharaadyo balaraan oo rabshado badan dhaliyay.

Raysal Wasaaraha Sweden iyo Wasiirka Arimaha Dibeda Carl Bildt ayaa soo dhaweeyay booqashada Obama, iyagoo sheegay in Sweden iyo Maraykanka ay yihiin wadamo saaxiib ah isla markaana ka wada shaqeeya arimo badan.

Obama ayaa Stockholm soo gaari doona bisha September 4-teeda isagoo hal habeen ku dhixi doona magaalada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here