Obama oo guuleystay iyo shacabka Sweden oo soo dhaweeyay

Madaxweynaha maraykanka Barack Hussein Obama ayaa markii labaad ku guuleystay doorashada madaxtinimad wadankaas isagoo si waadix ah uga adkaaday tartmaha xagjirka ah ee ka tirsan xisbiga Jamuuriga Mitt Romney.

Obama ayaa helay cododka gobolada 303 halka Mitt Romney uu halay 206 cododka gobolada maraykanka. Mitt Romney ayaa qirtay in looga adkaaday doorashada isaga oo sheegay in uu u ducaynayo Obama in uu wadanka mideeyo oo uu la shaqayn doono. Doorashada ayaa ahayd mid aad u kulul oo cododka dadweynaha ayay labada nin kala heleen tiro aad isugu dhow.

Shacabka Sweden ayaa doonayay oo soo dhaweeyay doorashada Obama. Swedishka ayaa lagu yaqaanaa in ay aad u taageeraan Obama maadaama ay yihiin dad siyaasadooda ay u janjeerto dhinaca bidixda. Shacabka Sweden ayaa muujiyay in aysan jeclayn ninka lagu magacaabo Romney maadaama uu u muuqday nin khatar ah oo dagaalo cusub ka abuuri kara aduunka.

Obama ayaa afartii sano ee uu xilka hayay sameeyay isbedalo siyaasadeed oo wadankiisa ah balse marka laga hadlo arimaha dibada ayuusan wax badan ka duwanayn madaxweynayaashii hore ee Maraykanka. Obama ayaa siyaadiyay weerarada uu ka geysto wadamada Muslimiinta isla markaana aan waxba ka qaban arinta Falastiin isagoo taageero weyn u muujiyay dowlada Israel inkastoo xiriirkooda uusan sidaa u wanaagsanayn.

Dhinaca Somalia ayaa Obama qeyb ka qaatay taageerada Dowlada Somalia iyo bixinta qarashka ciidamada Amisom ee ka dagaalama Somalia. Obama ayaa muhimad ka dhigay wadamada Somalia iyo Yemen balse sheegay in uusan ciidamo uu leeyahay uusan u diri doonin wadamadaas.

Afarta sano ee soo socota ayaan la filayn in Obama uu samayn doono waxyaabo ka duwan wixii uu sameeyay afartii sano ee la soo dhaafay, qaasatan arimaha dibada. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu ka wanaagsanyahay ninka cadaanka ah ee laga adkaaday oo ah nin xagjir ah.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

7 Responses

  1. Khadija says:

    HAMBALYO BARAK OBAMA HUSSEIN. WAA NINKA TUSEY BULSHADA MADOW EE ASALKOODA UU KASOO JEEDO QAARADA AFRIKA INEY HOGAAMIYE AMASE MADAXWEYNE KA NOQON KARAAN WADAN WAQTI AAN SIDAA USII FOGEYN AY DADKA AFRIKAN-AMERICANKA AHI XAQ U LAHAYN INEY FARIISTAAN KURAASTA BASASKA LA RAACO INTA QOF CADAANI UU U BAAHAN YAHAY KURISGA OO AY AHAYD QASAB INEY TAAGNAADAAN AMA HA AHAATO QOF DUMARA OO GABOWDAY AMASE UUR LEH.

    WAXAANAN WELIGEY KUSOO XUSUUSAN DOONAA HALKU DHIGIISII AHAA (YES WE CAN).

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  2. ifka says:

    wan idiin salaamay dhaman aqyarta ku xiiran somaliska.com ka diib waxan idinka codsanaya xiita walal kay jimcale in aad wax wara ka haysan dadki 2 sano aan wada noolayn ee diidmada laso siiyay in wax xala lohelay iyo in kale waxan ka codsanaya dhaman intii sogasho meshan ee aaqrisata wa iga codsii plz

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  3. Congratulation says:

    It is my distinct honor and pleasure, on my personal behalf and on behalf of the citizens of the Federal Republic of Somalia, to extend my most sincere congratulations on your election as President Barack Hussein Obama of the United States of America. I am also conveying sincere wishes for success in the execution of this high and responsible function, good health and personal happiness.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  4. Najma says:

    ASC waan Idin salaamay. Dhammaan ummada islaamka ah. Qaasatan Soomaalida. Waxay ilatahay ( Gaal Gaal iimadhaamo) Ee ilahay islaamka haguuleeyo.( Maraykan iyo Yuhuud ) iyo wixii cadawga islaamka Allah hanaga qabto! Aamiin. Aamiin.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  5. Najma says:

    Labagaal godotooda abtirsiiyo gudboon. Midna guushuraacdo, midna guuldarasto maxaa iiga gidhiisha!

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  6. mohamed nuur gaab says:

    rer sweedhen iya xaflad yaa badin dona miyesan laheyn meheradkale miyesan doneyn horu mar wanag san miyesan ku tala jirin in ey dal kodii wax u qabtaan iyadoo somali ka wada siman tahay gaa fil ahan sha ha sidii iney leyihiin wadama ey magan gal yada ku jogan sidi uk o kale wa wadamada xafladaha ugu badan bal ma dalki masa kiiin ta jogta wax logu qabto imisa aya bahan nagu jinsi ah imise aya xanun san nagu jinsi ah war miyan damir jirin war hadmaan hurdada ka ka ceynaa war ma wax ma gara tan wadan noqo nay gurba jogti hadan nahay man hurda da ka kacnoo lacagta xafladaha akoon u furnoo masa kiinta iya agoonta iya kuwakaloo gajesan wax ugu qabano walaa layaal miya nan iska ka dha dhicin in an umad bahan o xanunsan coladna dhexda uga jira u so baxnay an tosno una tosno dalkena dadkena

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  7. mohamed nuur gaab says:

    wax kasta wa isku taxalujin iya dadaal ninkii walal kiis o baa han ama xanun san ixsaan u fidshoow baribaad heli waqti hadad siso iya hada sii so ixsan kale dalkina inaguu noo bahan yahay e cidkale uma maqna biilalka qurbaha laga dhiibuu hadana ku dhisan yahay kuna nol yihiin dadku an da daalnoo dadki ogaano

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1