Odayaasha Soomaalida Borlänge oo bilaabay shaqo aad loo soo dhaweeyay

Ka dib markii ay qalalaase ka abuureen basaska ka shaqeeya magaalada Borlänge dhalinyarada Soomaalida ayaa shirkada Dalatrafik waxay hadda bilowday wada-shaqayn ay la yeelanayso ururka odayaasha Soomaalida Borlänge (somaliska PRO-föreningen), iyagoo iska fasaxay waardiye ay horay lacag ugu siin jireen sugida amaanka basaska.

Odayaasha Soomaalida ayaa shirkada u soo bandhigay in ay diyaar u yihiin in ay ka caawiyaan arimaha la xiriira dhalinyarada Soomaalida oo horey dhibaatooyin ugu geystay basaska. 22 ka mid ah xubnaha ururka odayaasha ayaa isniintii waxay bilaabeen in ay raacaan basaska ka shaqeeya Linje 3 kuwaasoo shaqadoodu ay tahay in si amaan iyo deganaansho ah ay dadku ku raacaan basaska.

Shirkada ayaan siinayn odoyaaasha mushaar balse waxaa la siinayaa kaarar ay basaska bilaash ugu raacaan iyo kirada xafiiska ururka odayaasha oo laga bixinayo. Bengt Benjaminsson oo ka tirsan Dalatrafik ayaa si weyn u soo dhaweeyay shaqada odoyaasha Soomaalida, isagoo sheegay in dhaqamada qaarkood ay fiicantahay in dhalinyarada si degan loola hadlo oo ay odayaasha xushmeeyaan.

Abdi Haji Abdullahi oo ah gudoomiyaha ururka odayaasha ayaa warbaahinta u sheegay in uu rajeynayo in dhalinyaradu ay dhagaysan doonaan odoyaasha.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

16 Responses

  1. Kaw says:

    Horto somalidu waa mashaqaysta yaal ayey naguwaaleene daa ha arkaan mushaharka shaqada in aan kajecelahay rageenuna waxkabtaan waxaan rajaynayaa in dhalin yaraduna dhibaatada yaraysoo odayaasha maqlaan si odayaasha shaqadodu mid midha dhasha unoqoto

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  2. Osman says:

    Waxaan rajaynayaa in ay xal kagaaraan udayaasha shirkadana lacag ubaaqato dhalinyaradana ayxushmeyaan udayaasha

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  3. Afrax says:

    Wan ku farax sanahay in aan tusno
    Wanaaga iyo in caruurtenu haday
    Qalad samayso aan diyaar u nahay

    Inaan xal u helno oo aan nahay kuwo jecel inay nabad iyo wanaag
    Kula noolada dadka kale
    Raga is xilqaamayna wan u mahad
    Celinayaa

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  4. faarax says:

    Waa arin wanaagsan laakin sumcad daro iyo bahdilaad wadato.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  5. zakaria says:

    Maashalah waa uku faraxsanahey odayaasha is xil qaamey iyo wanaaga ay sameeyeen waa arin ku dayasho mudan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  6. asraa says:

    masha alaha wlh waa arin fcn oo sodhawayn naga mudan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. Ayaanle says:

    Waan soo.dhawaynayaa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. Warsame says:

    Waa wax AAD loogu farxo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  9. luul says:

    asc
    soomaalida Borlänge ayaa mudan ku dayasho sababto ah markasta waxan maqlaya amaantooda

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  10. rashka says:

    Soomaali haddii aan nahay wax meel dheer kama aragno. ma waxaa wax lagu farxo ah in dhalinyarada Soomaaliyeed aan baska si nabad ah looga raaci karin? odayaasha iney baska racaan waxay ceeb ku tahay ummada soomaaliyeed iyo dhamaan soo galootiga.Börlange dadka dagan waa in wax iska badalaan .

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

    • Dalandool says:

      Dalandool odayaashu activity bay ka dhiganayaane sidaan u maleeyay waxan maqli jiray waa naf shaqo u baratay odhayaashu waa ragii horoo shaqay ka dhiganayaan.ee bal adna dhinacaad ka eegtay aanu kula fahanee sababta aad u tidhi sonalidu dad meel dheer wax ka eega maaha ma noo sheegi kartaa

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. geele says:

    waa wax laga naxo runtii in dhalinyaradenii la rabay inay wax bartaan basaska laga raaci waayo dadka leh wan ku faraxsanahay waxad ku faraxdeen ma fahmin anigu cajiib waa ceeb soo korortay

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  12. Ilama wanagsana arinkaas wadanka sharciga u yaal ayay meel ka dhac ku tahay in qofkasta shaqadiisa lagu ixraami waado cidaan Rabin in ay ku dhaqanto gacan bir ah ha lagu qabto ayadoon loo fiirinayn mesha uu ka soo jeedo qofkaas

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. Warsame says:

    Waxaa wax lugu farxo ah in dad odayaal ah eey iskaa wax uqabso eey isku xilqaameen oo shaqo sharafleh qabteen taas waaye waxa lugu farxo runtii tankale dhibkaan eey dhalinyarada Somalide eey geesanaayaan waa dhib jiro oo taagan marke SOO maka sii xumoo in dadkale lacag farabadan kuqaataan qalad iyo edeb darra dhalinyaradeene eey geestaan hade lakiin mushkilade 50% waa laxaliyi 50% dhiman weey imaanee sababtoo ah waa lala hadlaayaa markeey soo fuulaan basaska Waxaa dhici karto in qaarkood xishood dartiis isga daayaan markeey arkaan oday hebel oo aabihiis saaxiibkiis ah ama qaraabo la ah dadka iskumid ma aha anage xaafadeene matalan Waxaa jiri jiri in dhalinyaro habeenkii centrumke eey isugu imaan jireen oo qash qashaad iyo xoogaa mar mar buuq badan eey sameen jireen kadib sidaanoo kale kamuunke aa odayaashe iyo madaxde jaaliyade eey lasoo xiriireen adige 2 bilood kudhawaad ayaa Centrumke odayaashe tagi jireen iskaa wax uqabso hade alxamdulilaah sheekadii waa dhamaatay oo dhaliyaradii waa katageen oo waa dhamaaday brobleemkii marke waa tallaabo AAD iyo AAD uwanaagsan garabkiine Alaahgalo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. Ciise Ducaysane says:

    Asc dhamaan asxaabta
    Dhalkinyarada SOMALIDA ah ee basaska ama goobaha ganacsiga fawdada ka samaynaya Waxan ugu baaqaya in ay joojiyaan rabshada & fawdada
    Why magaceenna & community-ga somalida ayay sharaf darro usoo jiidayaan iyaguna waxay la kulmi karaan xabsi ama ciqaab dhimasho fool xun keeni kara
    ALLOW SOMALIDA MIDEE MEEL KASTA OO AY DUNIDA KA JOOGAAN

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. jaama says:

    War odeyaasha shaqo ayee ka dhex heleen halkaane waa in aan bilaabnaa qas busaska si eey odeyaasha shaqo ooga helaan jönköping

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1