Odayaasha Soomaalida Borlänge oo booliska lagu dacweeyay

Isbuucii hore waxaan soo qornay in shirkada Dalatrafik ee magaalada Borlänge ay bilowday wada-shaqayn ay la yeelanayso ururka odayaasha Soomaalida Borlänge (somaliska PRO-föreningen), iyagoo iska fasaxay waardiye ay horay lacag ugu siin jireen sugida amaanka basaska, taasoo ka dambeysay ka dib markii ay dhalinyaro Soomaali ah qalalaase ka abuureen basaska.

Hadaba isbuucaan ayaa booliska lagu dacweeyay ururka Odayaasha Soomaalida iyo shirkada Dalatrafik kuwaasoo lagu eedeeyay in ay bilaabeen shaqo waardiye oo aysan fasax u haysan. Dacwada ayaa waxaa ka dambeeya maamulka gobolka (Länsstyrelsen) oo aaminsan in Odayaasha Soomaalida aysan sharci u haysan in ay amaanka sugaan.

Shirkada Dalatrafik ayaa sheegtay in odayaasha ay shaqadooda sii wadanayaan inta ay boolisku baaritaanka wadaan, isla markaana aysan ahayn waaridye balse ay yihiin wehelka dadka baska raacaya.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

10 Responses

  1. zakaria says:

    Aad baan ugu raacsanahay in laga joojiyo waayo ma aha shaqo ay xirfad unleeyihiin haddiiba suaasha tahay in buska uu dhib ka jiro waayoo amaanka waa in uu qabtaa dadka ku shuqulka leh. arinkaan buska dhibka ka jiro waa mid ay sabab u tahay shirkada leh bususka waayoo busas ku filan dadka ka soo baxaya ama aadaya halka ay u badan yihiin ajnabiga ma lahan taasoo keenaysa in xiliga ardaydu soo baxdo ama ay aadayso iskuulku uu buska noqdo mid fowda ah iyadoo boos la aan iyo ciriiri u sabab tahay balse haddii la helo busas ku filan oo aan ciriiri ahayn wax dhib ah kama imaan lahayn . waxaan ahay qof ku safra had iyo jeer buska ogaalna u leh dhibka jira.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 14 Thumb down 4

  2. zakaria says:

    teeda kale buska waxaa raaca ajnabi iyo swedishba mana ahan in dhibka oo idil loo saariyo somalida caruurteeda oo kaliya dhalinyaradu waa kuwa isugu jira qowmiyada badan mana ka faali qaadi karaan somalida dhamaan qowmiyadaha raaca buska amaankooda.

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 1

  3. Bashka says:

    Qofku xog hadduusan ka hayn arrinka meesha ka taagan, ma habboona inuu ka hadlo Zaki.Aniga ka mida Darawalinta Basaska Borlänge.

    Basas la’aana xaafada Ajaanibta kama jirto, balse ubadkeena ayaa carqalada u haysta cayaar iyo wax fiican.

    Mararka qaarba baska dhan 10 dhalinyaro soo raacee kolkaana, dhibku ma yara.
    Marka ma ahan in Odoyaasha la eediyo, odoyaashu caruurtooda yay ceshanayaan, wax wayn ayayna ka qabteen xaqiiqatan.

    Balse dhanka Dacwada soo gudbiyay, waxaa laga yaabaa inay sharci raac yihiin, faham badana ka haysan dhaqanka Soomaalida iyo mudnaanta Odoyaasha.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 1

  4. Faarax says:

    Odayasha hadeysan caruurtoda asluub iyo wanaag guriga kusoo barin uma maleynaayo in baska gudahiisa kubari karaan.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 10 Thumb down 1

    • rashka says:

      sxb sheekadaan mashruuc waaye. soomaali meel xun ayuu Ilaah arsaaqada ka geliyay.

      U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. cabdulaah says:

    waa fiican in odayaasha ilmaha ka celiyaan basaska waana soo dhoweeyhaa

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  6. Amal says:

    Masha allaah wax ween eey haayan abayaasha qeer alaha siiyoilmaha Soomaalida waa kuwo dhib badan oo run umaleeyo sanadka Sverige lagu joogo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. Naser says:

    Soomaaliyey ma waxay maraysaa in caruurta baska lala raaco si ey dhibaato ugu gaysan dadka kale.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. rashka says:

    Ma filaayo iney tahay wax saxan. in bas odayaal ay saarnadaan ayagoo dhahaayo amaanka ayaan sugeynaa. maxay wataan oo haddii labo qof is dagaasho ku kala celin karaan. tankale Sweden waa dowlad dhisan dhaqan aan wadankaan laga aqoon cidne kaama qaadaneyso oo arrinta amanka boolis ayaa u xilsaaran.dhalinyarada yaan kibirka laga badin sharcia ha racaan sida dadka u dhashay wadanka oo kale,

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  9. tarxiil says:

    15 til 35 oo lagu dhiibay da’yar waxee iska dhaa dhiciyen in ee caruur yihiin. Sida carurya cml ayaa la isku suurena afka la marmaroojina timaha sibaas loo jarana gar iyo shaarbo dhulka la dhiga waa la xira surwaal iyo shaati/shaar feeraha ka ceejinaayo lasoo xiranaa dhaashaan cml meelaha loo ordaa hadal nin rag ah ku haflo laguma hadlaayo beentii oo adigaba yurub lagu soo galay hadaa aaminto dhibkeed ee leedahay
    Hooyo walba waxaa waajib ku ah in ee wiilkeeda ka celiso dhibaadada uu dadka maganta iyo soo dhaween fiican siiyay. Qofkii gurigiisa kugu soo dhaweeyay ha ugeesan dhibaato . Ha uquurin naftaada wax aad uquuri laheen. Sida dil, dhac,boob,handadaad,aflagaadeen, iyo wixii lamid ah.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1