Olole warqado kaarar ah loogu dirayo xafiisyada Dowlada Sweden

9

Urur lagu magacaabo FARR (Flyktinggruppernas och asylkommittéernas riksråd) oo ka tirsan ururada ku bahoobay Dalada u dooda arimaha mideynta reeraha Soomaalida ayaa bilaabay olole warqado kaarar ah loogu dirayo xafiisyada dowlada Sweden sida xafiiska Raysal wasaaraha, kan wasiirka socdaalka iyo wasiirka cadaalada.

Yassin Abdullahi Abdi oo ah Afhayeenka ururka Sinnaannätverk Göteborg oo ka tirsan Dalada ayaa inoo soo gudbiyay muhiimada warqadaas iyo ogeysiis ku socda Soomaalida Sweden…

Salaama aleykum walaaleyaal dhamaantiin. Meelkasta oo aadjoogtaan ama booqasho ku joogtaan.

Waxaa lagu jiraa xilli ay xafiisyada dowlada kuwa degmada iyo shaqsiyaadkuba ay nasasho ku maqan yihiin ama shaqo badani aanay socon.
Waxaa maanta isoo gaaray waraaqihii ay soo daabacday ururka FARR oo loo diraayey dowlada kuwaas oo u sameysan sida “postcard”/”carteline” ama V-kort hadba sidaad u taqaan. Waxaa inoo haboon in qofwaliba uu diro warqadaas oo lagu hagaajiyey ama ku daabacan magaca iyo cinwaanka wasiirka cadaalada iyo kan socdaalka. Diristaas oo qiimaheedu yahay 6 ilaa 7 kron ayaa ah nooc ka mid ah banaanbaxa iyo is horjoogsiga go’aamada dowlada. Kaararkaad waxaan bilaabeynaa inaan qeybino 20/7 iyo wixii ka dambeeya.

Weli kama hayo wax aqbaar ah banaanbaxa ka dhacaya Stockholm maalinta baarlamaanka uu furmayo taasoo ku aadan 15/9-2011. Marka aanu fasaxa kasoo noqono ayaa rajeyneynaa inaan shirweyn ku qabano masaajidka cusub ee Göteborg hadii maamuleyaasha ruqsad ka helno, taasina dib ayaan idiinkaga soo sheegi doonaa…….!

Wadankii waxaa ka jira abaaro isdaba joog ah oo kasbaday dad iyo duunyo. Fadlan sadaqeyso wixii aad ku gargaari kartid walaalahaaga ku nool dhinaca kale ee aduunka. Lacago noocaas ah waxaa uruurinaaya Khadro Alasow oo iyadu ah qof u taagan marwalba danaha soomaaliyeed iyo waxtarkooda.

Runtii waa fikrad fiican oo ay ku soo baraarugi karaan madaxda Sweden markii ay ka soo laabtaan fasaxa. Hadaba qarash sidaas ah nooga bixi maayee aan wada dirno warqadaha.

Halkaan ka daabaco kaarka (vykort)

Adreesyada xafiisyada dowlada waxaad ka heli kartaa halkaan http://www.regeringen.se/sb/d/115

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here