Oslo: Imaam faas lagu weeraray

3

Imaamka masaajid ugu weyn Norway ee ku yaala xaafada Grønland ee Oslo ayaa xalay lagu weeraray faas isagoo dhaawac aad u culus la gaarsiiyay. Imaamka oo da’diisa lagu sheegay 60 sano ayaa ku sii jeeday salaada cishaha markii saacadu ahayd 23.16 isagoo uu soo weeraray nin dhalinyaro ah oo faas ku hubaysan.

Booliska Oslo ayaa sheegay in dhaawaca soo gaaray imaamka uu ahaa mid culus balse hada ay xaaladiisa degantahay. Ninkii dambiga galay ayaan ilaa hada la soo qaban. Masaajida ayaa la sheegay in ay maamulaan urur lagu magacaabo Central Jamaat-e Ahl-e Sunnat, iyadoo dhowr jeer ay saxaafada Norway ku tilmaameen goob xilaaf ka jiro.

Sababta loo weeraray iyo cida ka dambaysa weerarka Imaamka ayaan la ogeyn.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here