Per Brinkemo oo buug ka qoray Soomaalida Sweden

17

Ninka lagu magacaabo Per Brinkemo oo ah nin mudo ku soo dhex jiray Soomaalida Sweden ayaa soo saaray buug cusub oo loogu magacday daray “Mellan Klan Och Stat – Somalier i Sverige” kaasoo lagu turjumi karo “U dhexeeya Qabiil & Qaran – Soomaalida Sweden”. Ujeedada buuga ayuu Brinkemo ku sheegay in ay tahay in Swedishka la fahansiiyo dhaqanka iyo dabeecadaha Soomaalida.

Buuga cusub ayaa durbadiiba dhaliyay dood kulul oo ka dhexdhalatay Soomaalida iyo Swedishka iyadoo qaar ka mid ah Soomaalida ay buuga ku tilmaameen mid cunsuri ah oo muujinaya xumaanta Soomaalida halka qaar kale ay u arkeen in uu yahay buug muhiim ah oo loo baahnaa.

Brinkemo ayaa qabiilka saldhig uga dhigay buugiisa isagoo si dheer u sharaxay qabiilada iyo dhaqamada Soomaalida ee la xiriira qabiilka iyo muhiimada uu u leeyahay bulshada Soomaalida. Waxa uu sheegay in qabiilku uu yahay dugsiga Soomaalida iyo dowladnimadooda. Isagoo intaas ku daray in marka ay Soomaalidu yimaadaan wadanka Sweden oo ah wadan dowladnimo ku jiray boqolaal sano ay dhacayso isfahmi waa.

Inkastoo Brinkemo uu yahay nin aan xushmeyo isla markaana si fiican u dhexgalay Soomaalida, ayaan shaqsi ahaantayda waxaan buuga u arkay in uu yahay mid muhiimad aan loo baahnayn siinaya qabiilka. Isla markaana Soomaalida ku soo jeedinaya indhaha Swedishka oo laga yaabo in ay si qaldan wax u akhristaan. Soomaalidu waa shaqsiyaad in dhamaanteen hal buug lagu sharaxo waxaan u arkaa qalad.

Brinkemo waxa uu aad ugu dhexjiray Soomaalida Waqooyiga maadaama uu ka shaqayn jiray jaaliyada “Somaliland förening” ee Malmö. Taasoo ah halka uu ka bartay sawirka qabiilka. Sida qabiiilka ay u arkaan Soomaalida Muqdisho iyo kuwa Hargeysa ayaa la dhihi karaa farqi ayaa u dhaxeeya, inkastoo reer Muqdisho ay qabiilka isku laayeen ayay hadana ceeb ka tahay Muqdisho in qabiilka dadka la waydiiyo ama la sheegto.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan aaminsanahay in sawirka uu buugaan ka bixin doono Soomaalida uu saldhig u noqon doono sida ay Swedishku noo arkaan. Haddii aanan ku qanacsanayn buuga ayay muhiim tahay in Soomaalidu ay soo bandhigaan dhinacooda sheekada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here