Qaadashada cayrta ma lagu tilmaami karaa dawarsi?

Cilmi baaris ay sameeyeen quburo ka tirsan jaamacada Göteborg ayaa lagu soo bandhigay in dadka cayrta qaata ay ugu badanyihiin soo galootiga. Warbixinta ayaa lagu sheegay in faqiirnimada soo galootigu ay tahay mid aad u sareysa.

Cilmi baarista oo socotay mudo ayaa lagu soo bandhigay in 67% dadka mudada dheer qaata cayrta ay yihiin kuwo soo galooti ah. Arintaan oo la wada ogaa ayaa hadana ah mid ceeb ku ah bulshada soo galootiga qaasatan Soomaalida oo la dhihi karo waxay ka midyihiin dadka ugu badan ee ku xiran cayrta.

Si arintaan wax looga qabto ayaa wasiirka qaabilsan daryeelka caruurta iyo dadka waaweyn Maria Larsson ay sheegtay in dowladu ay arintaan wax ka qaban doonto.

“Waa fashil weyn oo ku yimid bulshadeena in waqti dheer ay ku qaadato dad badan in ay helaan shaqo iyo dhaqaale. Waa mid ku adag soo galootigeena in ay qaadato waqtigaas dheer. Waxaa sidoo kale adag marka dadka soo galootiga ah aysan lahayn aasaas waxbarasho” ayay tiri wasiiradu.

Wasiirada oo hadalkeeda sii wadata ayaa tiri “Laakiin sida aan u soo dhaweyno dadka cusub iyo sida aan ula dhaqano, dabeecadeena iyo naceybkeena marka qof magac shisheeye leh aan aragno ayaa qeyb ka qaadanaysa. Sida aan ugu caawino in ay luuqada bartaan iyo waxbarashada ayaa muhiim ah”.

Dowlada ayaa sheegtay in ay dib u eegi doonaan taageerada lacagta ee la siiyo soo galootiga, oo laga yaabo in loo ogolaado in ay lacagta taageerada qaataan xitaa marka uu qofku shaqo bilaabo.

Iyadoo dad badan ay ku xiranyihiin lacagta cayrta ayaa hadana waxaa la wada ogyahay in aysan waxba ka duwaneyn dawarsiga. Lacagta cayrta ayaan ahayn mid laysku siiyo farxad balse waa mid qofka la siiyo iyada oo la dhibsanayo.  Hadaba ma saxbaa in lagu tilmaamo cayrta in ay la midtahay dawarsi? Waa dood furan..,

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

28 Responses

  1. yenne says:

    sxb waxaas oo kale siteka hasoo galinina waayo meelkasta waan maray si aan shaqo u helo oo aan xoogayaga ugu shaqaysano.. laaakinse waan waynay waxaanan u aragnaa inala cunsuriyeeyay markaa in aan caydh qaadanaa waa daw ayaan qabaa…
    Doofaarkaba mar ayaa laxalaaleeyay inlacuno waa marka ay gaajo aan dhimanayso…… suäashu waaa caydh laan malanoolaankaraa europe ileen afrika majoogbeeeee

    Fikrad lala dhacay Thumb up 11 Thumb down 1

  2. Anas... says:

    Meel karto oo qofku maro wa inuu tusaa aqontisa ugu yaraan aqoontaada xamaali nimo sababto ah xamaliga yurub wuxu ubahanyahay aqon in ad taqan qalabka ad adegsamayso marka ado waxba aqon hadad iska waregto waxba heli maysid marka waxa kula gudboon in ad wax xirfad ah barato tan cunsuri nimada wa iska cadi anigaba waxan cunsuriyad ku jiray 30 sano ano dalkaygi joga waxana la ilaha tumal alxm hada shaqadi la igu yasi jiray ayan ku xamasha wana ku ladanahay marka sxbyal eeda ha sarina dadkan e sara walidkin ayaka wax idin bari wayay balse hada janis ayad haysatan barta xirfad

    Fikrad lala dhacay Thumb up 10 Thumb down 4

  3. Faa`id says:

    Anas run baad sheegtay laakiin ogow dadka dhan oo Soomaaliyeed ineysan magacaas ku oran jirin ee ay ahaayeen inta wax magaratada ah halkana waxaan ku nahay Soomaali uun anagaa is kala saareyneee. Waana laga yaabaa in dhib badan ku soo gaarey berigii Soomaaliya aad joogtey run baadna ku sheegty in xirfad la barto. Warkaanina waa uun warixin ay dadka wadankaan sameeyeen maalin kastana sidaas ayey cilmi baarista u wadaan oo dad bayga howshoodu tahay. shaqo ha sameeyeen cidi ceyrtooda ma rabtee.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  4. xamza says:

    waa idin salaamey marka hore hadaan raigeyga aan ku darsado waxaan u maleynayaa inuu dawarsiga uu ka daran yahay ceyrt waaa wax aad u fool xun cayrta lakiin dhalanyarada maxay sameeyaan ma dadkey xadaan maxay ku noolanayaan taas ayaa ah in lais weydiyo

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  5. mahaday says:

    asc dhaman waan idiin salamayaa horta somali waa in is taqan dhaqan ahaanba mahan qurbo meshan oo aan jogna kaliya somalidu waxe jogta wadamo badaan weena ku dhibetesan yihin u firso meel kasta ha jogaan somali wee ku ceebeesan yahay dhib mahan aan u bad naano lakin bulshada kale lama mid nihin waayo dumar iska daa rageeni waxe u badanyihiin ma shaqeestayaal aniga qurbo inta aan ka arkay waxe sugayaan shaqo ah xafis ilaahna uma abuurin shaqo xamaali ah waan is naqaan ma aniga xamali ka shaqeye somali jarer iyo tumal ba xamalan jirtay halkan xata shaqada xamaliga aya la yiri waa in ad wax u barataa aaway kuwii wax baran lahay mar aan ka reebo qaarkod wee shaqestan waa kuwi awal koda dadaali jiray aniga waxan oran lahay wax la barto sha kasta waad heli wa bilahi tofiq

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. Abdiwahab says:

    ASC sxbayaal cayrta ma ficna ee aan ka wan towno hadii eynu nahay somali waa dadka ugu badfan cayrta qata yurub ilaa america

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  7. gacal says:

    sc dhammaan sln ka dib daraasadda intaan la sameenba way cadeed in soo galootigu cayrta u badanyahay waana wax aad looga xumaado hadana waxa fiican in arrinta dhinacya badan laga fiiriyo su,aala badanna la isweydiiyo si wax badan looga ogaado arrintaan sababta keentey iyo qaabka looga bixi karo iyagu kaliya waxay sameeyeen soo galootigu in cayrta u badanyihiin lkn taas way cadeed ee waxa ka muhiimsanaa in ay sameeyaan daraasad ku saabsan sababta arrintan keentey iyo qaabkii loo yareen lahaa cadadkaas tirada badan. midda kale e xasuusta mudan waxay tahay hala mid dhigin qof magaaladuu ku dhashay jooga afkiisa hooyo ku shaqeya waxbarsha daagis kasoo bilaabay illaa fasalka sagaalaad free u ahaa lacag dhiiri gallina lagu caawin jirey guri u leeyahayna dagan ama ha gato ama walidkii ha oga dhintee iyo qof intaasoo dhan kasoo cararay qaarkoodna ay u dheertahay inaanay dugsi hooseba soo dhigan waayo meyba aawoodin xataa qofkii wax so dhigtay waqti ugu yaraan sadex sano ayuu u baahanyahay inuu wadanka la qabsado luqad cusub+shahaadadaada o u baahan dib u habeyn leesan baabuur arbetska sheegey taas in qofku u baahanyahay ugu yaraan 3 sano inuu wadanka la qabsado soo galootiga qaarkoodna inta sadex sano ka badan joogay way shaqeeyaan ama wey shaqeen jireen 1 sanaba ha ahaatee inkastoo soomalidu ay kaalinta koowaad kaga jirto shaqa la,aanta iyo la qabsi la aanta waayo soo galootiga kale waqtiba haku qaadatee ugu danbeen wey la qabsadaan dalka waayo waxay jecelyihiin inay u noolaadaan sida muwaadiniiinta dalka u dhashay hadaanse somali nahay runtii waxyaaba badan oo soo galootigaas na dheeryihin wey jiraan kow qof ciraaqiya oo ka yimid wadan dhisan ama dhawaan uun burburay oo jaamiciya ama shahaada dugsi sare wata iyo shahaada farsamo oo laga yaabo in qoyskoodu lacag leeyahay oo aan lagu dhaganeen oo adiguun wax istar layiri iyo qof somali ka yimid oo aan iskuuulba dhigan ama aan aqoon saas u fog lahayn dugsi farsamana aan arag waayo bururkii dowlada waxay ahayd 21 sano ka hor qofka 26 jirkaa xilligaas wuxuu ahaa 5 jir waxna muusan kala ogeen farsama ma leh ama shahaada tayo leh o la aqoonsanyahay maleh reerna ku dhaganyihiin xaas caruur waalid walal iwm isku mid ma noqon karaan hadana waxaaso dhan cudur daar ma noqoneeyso waayo waan la qabsan karnaa dalka hadaan rabno. waayo uma diyaarsanin qofka cadanka waxay nala tahay inay lacagtu la dhalatay lama dhalan ee maskaxdiisa iyo muruqiisu ku dhalaaliyey waana ceeb in qof kula mida inaad khidmad laga jaray aad arzaaqad u aragto marwalbana la isku caayo oo ay dhahaan hungiri iyo jiif ayaan idin siinay waa ereyga ugu horeeya ay adeegsadan dadka na neceb xaga suuqa shaqada cunsuriyad way jirtaa lkn hadaad luqada dagdag u barato leesan qaadato hal farsamo oo 6bilooda ama sanada shahaada ka qaadato waan hubaa in aad shaqa heleeso lkn anaga qorshaha nooguma jirto taas waayo cunno jiif boqol la diro waxaabad umaleesan nolosha ugu sareeya inuu ku jiro qofkaas somali hadan nahay caada ayay noo tahay wadankaan shaqa malahan inaan dhahno waana been wadankaan shaqa wa taala ee wadadii shaqada ayanan hayn ee ilah halaga baqo ee hala dadaalo rasuulka (scw) wuxuu yiri gacanta sareeysa ayaa ka wanaagsan tan hooseysaa . macnaha xadiiska waa qofka wax bixiya aya ka wanaagsan kan wax la siiyo scww.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  8. Abu Salaaxudiin says:

    Magaceeda Kaliya haddii la Fasiro , Waxaan ka fahmaynaa , Qiima la’aanteeda.

    CEEYR = Waxaan Soomaaliya u naqaanay qofka Xoolihii uu lahaa idilkeed ka Ceeyrtoobay ama ka Gubteen ama laga dhacay , qofkaa waxaa la samayn jiray waxaa la isugu Dardari jiray LACAG uu ku CEYR BAXO ,

    Waxaaba nasiib darraa xitaa dadkeena waa wayn marka laga tago , wiilasheena Xooga leh ee dhalinyarta CEEB lama ahan Qaadashadeeda.

    Haddii la qaato Duruuf markaa kugu qasabtay maahane , sida kale waa laga fiican , Nabigana Gacanta sare ee wax bixisa ayuu amaanay .a

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  9. DAACAD says:

    ASC. WR, Warakaaruhu.
    sxbayaal salaan ka dib waad isku raacdeen inaysan fiicnayn cayrtu inkastoo dad yar oo wax ma garato ah ay jiraan oo xataa hadii la siiyo shaqo aan rabin oo balwaddu ka tan badisay.
    Waa jirtaa wadankan shaqo la aan daran runtii. waayo awal waxaa ugu fududaa inaad hesho shaqada dadka waayeel ah laakiin markii la iska batay shahaado ayaaba lagu xiray hadda iyo inaad khibrad u lee dahay.
    Hadda qofkii ay daacad ka tahay oo shaqo rabo wuxuu ku heli karaa si fudud ee hadii aad diyaar u tahay u diyaar garoow wadadaan.
    shaqada magaceedu waa (ASBEST). Waa shaqo halis ah oo laga qaado kancer hadii aad mari waydo shaeciyadeeda, iyo qaadashada dharkeeda. Waxaa u tagaysaa hanleekarkaaga isaga ayaad lee dahay waxaan rabaa kuushkaas ii dir waana 2 usbuuc baraktik oo riivning ah.2 usbuuc oo sharraxaad oo ku saabsan qofka shaqeeya waxa uu xaq u leeyahay ama u soo dhacsan karo xaqiisa. 1 usbuuc oo lagu barayo ASBET OCH PCB ka dibna lagu siinayo shahaado inaad baratay shaqadaas horay ay diyaar kuugu tahay meeshii aad ka bilaabi lahayd shaqada.
    Shaqada waxaa haya jobbtorget. waa shaqo aad loogu baahan yahay waqtigaan la joogo. hadii la helo dad ku filan waxaan aamin sanahay inay aan la heli doonin hadhow. wadanka shaqo mataal ee waan shaqaysan lahaa ku reeb halkaas ee hadii aad shaqo doon tahay oo aadan rabin cayr oo ay daacad kaa tahay isoo raac oo soo qaad wadadaan aan qaaday kuuna tilmaamay.
    aniga hada waan dhammeeyey 5 usbuuc ka dib ,ka dib waxaan la kulmay ninka aan u shaqayn lahaa oo masawir iga qaaday iina sheegay inuu kaar ii samaynayo shaqadana ii qaatay oo aan sugayo 4- 5 maalin.
    kuushka kuwa wada waxay noo sheegeen inay raadinayaan koox kale oo wali loo siin baahan yahay dad kale. qofkii raba inuu ka faaiidaysto hala xiriiro jobbtorget. macasalaama.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. jiijiil says:

    asc wr wb , waxaa keenayo waa aqoon la’aanta na haysato , iyo dadka qaar oo aan rabin in ay wax bartaan , aniga halkaan waxaan imid sanad ka hor , afki aan bilaabay inaan barto xoogaa markaan bartay , waxaan helay shaqo iskuul macalinimo sababtoo ah macalin aan ahaan jiray markaan somalia joogay , wax uu baro waxay doonaan ha ahaadaan aad is leedahay wa ku fiican tahay waa hubaa shaqo waa helaysaa , cayrtan in ka badan aa qaadan doontaa weliba kuwaan na caayo ayaga aad siin doontaa wax , don’t worry maanta ka bilaab inaa wax barato 6 bil ka dib shaqo waa helaysaa insha allah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. الله أكبر says:

    ASC

    Jimcale adi marka in lagu ducoyo lagu amano lagu sheg shego ma rabtid miya kkkkk
    Somalida waxa laga garay Go´aan iyo waxa lo kena ilmaha iyo dadki waa la ogoladay le so qor dadkan Runta ma raban ceyr ine sharaftaha ka dhadhacsan way ku fanan,
    Jidka qashin ka xaqa lkn lacagta kuma qorka ina jidka so xaqay mane leso xisabin oo waa xogega ALXAMU LILAH cafiimadka muhim ah iyo aqliga marka dadkan hadi lo dira praktik dhabarka xanuna hada ka hore gedkaso dhacen qar Qaline so galen kkkkk cules ma qadi karan marka adine ka daa´ runta way ku xanunsadane wa lo wada riyaqa le uso sheg certa la badina cml siba dadka isku qoran wa lo kordhina cml si ee danubta uga baxan iyo Xaranta ka buxsantahay Somali o dhan Allah yahdina yaa Rabbi

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. muse says:

    haa waa sax in ladhoho dawarsi oo horay miyaadan u ogayn in aan dawarsano qofkasta oo cuna wuxuusan shaqaysan waa dawarsade cad oo loojeedo.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  13. Mohamed says:

    ceeyr kkkkkkk 3700 kr waxba ma sameeyneyso qofna waxba uma tarto hal maalina waxba uma tari karto hadii oo damco in oo suqa u dukameysi tago sheey fiican xitaa ma joogto fuck ceeyr

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. raxmo says:

    asc walaallayaal horta ceyrta sideedaba waa sida adoo tuugsatay oo kale laakiin kuma jiraan dadka hada soo galay wadanka oon weli luqadii baran. taas kadib aniga ahaan ceyrta aan qaato 3sannno aan joogo swedan waxaan moodaa inaan ka xishoodo sababtoo ah illaahay lixda lixaad i siiyey aan ku xamdiyaa mar walba niyadana u sheegaa inaan shaqo heli doono laakiin waxaa aan rabaa inaan qibrad aan ku shaqeeysto helo kadib markaan luqada meel saaro hadii insha allaahu watacaalaa illaahay caruurtetda iigu koriyo wadankaan aan isku taxalujiyo sidey u shaqesan lahaayeen inkastoo aan joogno wadan cusiri hadana niyadeyda waa shaqo oo wadankaan uma dhalan marka meelwalba oo qorbo aan joogno waa inaan ku dalaalnaa barashada luqada iyo xirfad aan ku shaqeysano caruurtana ku abaabino

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. nin yaaban says:

    asc wr wb, soomalay ceyrtu waa shaqo ee ficiin u gurta, sababtoo ah markii eynu soomalia joognay lagac intaa leeg ma heli jirin, haddi xataa eynu shaqeynu marka gurta oo ka dherga maxaa idin ka galay wixii la oranayo ma awal beyu sharaf ku la heyn addunkaa, waad arakteen wixii xun ee addunka ka dhaca somalia ayaa lagu matalaa marka kalkaa ka wada

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

    • Abshir says:

      Gurashada caydhu wax la iskuwacdiyo maahan ee umada waxkale usheeg. fikirkii looga hortagi lahaana soo sheeg.

      U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  16. Samsam says:

    Waa dawarsi iyo nus.Qof kasta inu shaqaystu ayaa fiican oo xoogisa maalo.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  17. Abshir says:

    asc dhamaantiin marka hore. walaal sida lasheegay ani taa waan aaminsanahay waana arin laga murugoodo in aan galno kaalmaha u horeeya ee dhanka caydha. waxaan daawada tiifiga SVT2 AKTUELL PROGRAMM doodaha u dhaxeeya dawlada iyo xisbiga SD.marka la eegana waa arin aan la iska indhatiri karin, in aan nahay dad aan majooratigoodu shaqayn ,cashuurna bixin. dalkiina caydh aan kaqadano mooyee waxbakumakordhino.miinis baan galinay kamuunadii wadanka. halmid oo xala. in rag iyo dumar ladareemo dhibaatadaan caydha xirfadona labarto xarumaha shaqooyinkana aan lagadulkicin la isdareen siiyaa in aan nahay umad shaqo uwada diyaara. Gaar ahaan dumarkeena caydha u haysta in aytahay irsaaqadii aan ugu nimi sweden. FADLAN KACA OO DAREEMA DHIBKAN SOOMAALAAY, AANA BADALNO KAALINTA AANKUJIRNO HADA. WCS.

    BY ABSHIR

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. Najmo says:

    asc dhaman wan idin salamay aniga fikirkeyga hadan ka dhibto somalida mashaqestan waye waxna mabarta teda kale waxey dhahayan wan nala cunsiriyena balse qof cunsiriyeneso ,ajirto ceyrna ma ficno waxa fican in aad xogada malataa dawarsi maxa la dhaha?

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

    • Najmo says:

      asc somali dhaman wan idin salamay marka uku horeso somali hadan nahay siba kuwa Swedan ku nool waxan u arka in ey dowlada eysan ahen mid u sojedo dadka shacabka somaliyed wayoo wadamada dariska ah sida Norweyn wey shaqeyan dadka aana heysan sharciga Swedanne waxad arkesa dad ku dhahayo waxan kunolnahay ilaa 8 sano ana waline shaqeyn maxey ku dhacday? waxa sabab u ah wadanka oo xirfad shaqo aan u fur furnen ayagane waxey gari lahayen wadanka uku qanisan wadamada dariska la eh wayoo qofka shaqeysto heer ayuu garaya ayagane heer aye gari lahayen Swedan dadka afrika joga hada aya waxey ku dhahayan marabo Swedan hormar malahan wadankas lakumana nola karo wayo mel aan shaqo ka jirin maxan ka so dona waxaba idhanto aniga oo afrika iska joga oo an ka shaqesto afrika dadkane certa waxa ku qasbeso guri aye daganyihin ijar aya laka raba koronta aya laka raba waxey u bahanyihin wax ey ku noladan dawo iyo dhar ey xirtan teeda kale dadka Swedan badana somalida kunol waxa lo dira baraktik wax la dhahayo aan lacag laku sineynin ilah waxan ka baryena in uu wadankena nabad noku dhigo somalida sidan loma gali lahen

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. Mohamed says:

    Asc marka hore alx ceer ma aan qato aniga familgeygaba rumahaantii erayga ceer eray lajeclesta mahan, aniga madhahayo wa dawarsi mida kale somalida qurbaha gaar ahaan wadamada reer galbeedka ee ceerta laga qaato laba ay u qeyb saman qaar raba in aay meel iska so saraan misana waqtiga u saamixi waaya madama wadanku yahay wadan aa loo dhalan, laakiin inta badan somalida rumahaantii majecla in aay is dhibaan oo aay wax qabsadaan madama laba gorba mushar uu so galayoxaga dowlada rumahan xaq uma lihin in aan cayno reer galbedka wayoo raga somalida inta badan wa muqayiliin oo aan wax qabsan anagaana wadankeni iska burburinay, fikrad ahaan waxan qaba wadankeena aa dhisano oo dib ugu laabano ayaga wax walbana hagaagi doonaan insha allah.Runta leeskuma naco ilaahbaa runta jecel.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. ahmed says:

    as wr ADUUNKA LAJAAN QAAD!
    aduunka waxaa ugu wanaagsan qofka isagu isyaqaan qofka uu yayhay saxiisa iyo qaldisa gushisa iyo guuldaradisaba.dhibta somalida haysata waxaa ka mid ah ila hada isma oga aduunka halkay kajoogaa intooda badani. waxaan nahay daka bulshada swden kunool ugu hooseeya dhankasta ilaa hadana ma arko cid arintan inay xaliso diyar u hadba adigu nolosha lajaan qaad qofyoow somaliyeed wax baro ama shaqatag intay islaan caydha kugu gumaysan lahayd
    till ragga sida toban caruura loodhalaba waad taqaanaye maxaa ku diday inaad wax barato aabe jaahil ah 10 caruurna sweden kudhalay mustaqbalkoodu muxuu yay? hanoqon aabe uskag leh e noqo aabe woow! ah
    till dumarka
    xijaabka shurudisa sii ama iskadaa yaanu dambi kugunoqone. xijaabku waa diin ee maha dhaqan somaliyeed, 2 hayska dhalin ee macno kudhal inleen xayawaankuba wuu dhalaa, ilmahaaga oo xalal kudhashay xaraan baan kudhalay ha odhan mustaqbalkaga ma inaad caydh qataa caruurna dhasho? raaligalin wixii qalada mamulka iyo akhristayashaba

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. nin yaaban says:

    asc wr wb dadkeygu runta ma sheeg hadii loo sheegana waa ka caroodan, dadka meeshaan wax soo qoray dhammantiiba waxaad isku raacsantihiin in ey ceyrtu wax ceeb ah tahay, oo weliba xun laakiin arrinta la yabaaka leh waxaay tahay in aad dhammantiiba ceyr qaadataan ama soo qaad jirteen, waxaay arrintaani la mid tahay dadkeena qof kasta oo aad kala hadasho qabiil wuxuu ku orayanaa qabiilku waa wax xun laakiin dadku 30 sano ayey qabiil isku dilayaan, sidoo kale qof kasta oo aad weydiiso in uu dagaal ka qeyb qaatay wuxuu ku oranya aniga maya wadad ayaan ahay, laakiin dadkii 30 ayaa la dilayaa marka dadka yaa qeyrta qaataa oo ey ceeb ku tahay, yaa qabiilka taageera oo dhibka wada yaase dadka somaalia ku laaya?

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  22. jamal says:

    Waad salaamantihiin dhammaan? Runtii in somali wax laga sheego halaga xishodo waayo somali badan ayaa shaqeysta meelkasta oo ay joogaan qofkasta oo somali ah wuu jecel yahay in uu shaqeysto lkn daruufta ayaa hortaagan bal u fiirso dadka dagan Amerika waxay u badan yihiin dad shaqeysta Anaa soo arkay dadkaas. Konfur Afrika somalida dagan waa dad shaqeysta sidoo kale wadamo badan ayaa jira. marka somalida dagan Swedan aad ayuu u jecel yahay in uu shaqeeyo waana lagu faanaa marka qofrabo in shaqwysto see u rabaa ceyr aloore daruufta hala tix galiyo.wblh twfq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  23. kulane says:

    wa idin salamay aqiyata waa ku mahadsan tihin sida ad uga dooden sidi looga hor tagi lahaaa lkn jimcale waxa laga donayaaa sidii loga hor tagi laha in uu soo sheego madama uu maqaal kan soo qoray asiga

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. raxmo says:

    asc waxaan u maleeynaa soomaali waxa ceebta u keenay qaasatan wadamadaan cunsurinimada ka jirto waa cayra qaado koley hadaad shaqeeysato intaas oo kale aa lagu siinaa laakiin ma,is weydiinay sharafteena maku jirtaa inaan tuugasanaa?waa maya marka aniga waxaan u maleeynaa hadaan albaabada garaacno in ay qof uun noo jawaabi daanto si aan uga baxno sharaf darada maanta nagu heysato wadankaan cunsurigaa muu ku noqdo carabta iyo north europa cunsiri maxaa aniga kaligeen naloo cunsuriyeenaa waa inaan ku dadaalnaa daankana u dhiganaa wixii dhirbaax oo nasoo gaarto anagoo danaheena ka fiirsaneeyna ogna inaan ka tagi doono maalinta wadankeena nabadka dhalato marka ,,,;,Soomaaliyeey toos oo isku tasho,,,,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  25. Mustaf says:

    sxbyaa waa dood muhiim ah lakiin maxaa sababay waaye suaashu,
    anuu waxaan imi wadanaka 6bilood ka hor walina aqoon badan uma lihi wadanka, lakiin waxan qabaa in soomlidu ay iskugu wacantahay meesha ay taalo iyo inay dawarsato sababtun waxa waaye waxaan arkay Umad la yaaban qofku hadu luqda barto oo luqadii bay ka dhigeen cilmi iyo qof tusaale ahana dhameeyey dhakhtarnimo, waxaan ini xasuusinayaa inaanay luqdu ahayn wax cilmi ah ee ay la mid tahay qof bartay soomaliga, waxaan jecelahay inaan xuso in dhallinyarada soomlida ay ku jiraan dhalintiii smayn lahayd dirayaradha, Nuclearka, dawooyin cusub heli lahaa NB dhamaan ubxiiibaa soo wada tahriibay, IWM, markaa maxa udiiday in luqd uu barto qofku,
    Ta labad waxa weeye suaal baan rabaa inaan dhamaantin ini waydiiyo Ma siin lahayd shaqo qof aan ku fahmayn(Luqada) oo waliba lahayn xirfad.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  26. abdirisaaq says:

    waa shaqo laanta in cayrta la qaato usa ama england cayr lagama yaqaano sweden waa ineey dadka shaqo siiso koley mafiicna in cayr laqaato lakiin shaqo laanta aa kaliftay waxaad arkeysaa nin 20 sano joogay oo cayr qaata kaas oo kale waa curyaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0