Qaboowga dhabta ah oo isbuucaan bilaabanaya

8

Cimilada jiilaalka ayaa isbuucaan si dhab ah uga bilaabanaya Sweden iyadoo guud wadanka Sweden la filayo in uu ka di’i doono baraf aad u badna iyo qaboow saaid ah, sida ay sheegtay hay’ada la socodka cimilada Sweden (SMHI).

Barafka oo isbuucaan si rasmi ah uga bilowday koonfurta Sweden ayaa la filayaa in uu ku faafi doono bariga Sweden iyo guud ahaan wadanka.

“Qaboow aad u badan ayaa ka dhici doono waqooyiga oo waxaan filayaa in uu heer kulka uu gaari doono -10 ilaa -20. Sidoo kale baraf ayaa ka dhici doona koonfurta balse hada wali waa nagu adagtahay in aan samayno qiyaas dhab ah” ayuu yiri Emil Björck oo mid ah shaqaalaha SMHI.

Hadaba ha laysku diyaariyo qaboow dhabta ah ee jiilaalka. Swedishku waxay ku maahmaahaan “Cimilo xun ma jirtee dhar xun baa jira”

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here