Qabowga isbuucyo ayuu sii socon karaa

0

Maalmihii ugu dambeeyay Sweden waxaa ku dhuftay qabow aad u xun kaasoo la filayo in uu sii socdo ilaa 2 isbuuc sida ay sheegtay Hayada La socodka Cimilada (SMHI). Isniintii ayaa noqotay maalintii ugu qaboobeyd ee jiilaalka ayadoo waqooyiga Sweden uu qabowga gaara -42C.

degmada Jokkmokk ee waqooyiga Sweden ayaa korontada ka go’day ayadoo qabowga uu marayo -40C. Qabowga ayaan ku koobneyn waqooyiga oo keliya ayadoo koonfurta laga soo sheegay ilaa  -28C. Koonfurta Sweden ayaa la filayaa in daruuraha ay saarnaadaan, halka waqooyiga waloow qaboowga uu sii jiri doono hada qoraxdu ay iftiimi doonto.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here