Qaliin lagu samaynayo haweenka la guday oo laga bilaabay Sweden

29

Markii ugu horeysay taariikhda Sweden ayaa hospitaalka Karolinska ay ku guuleysteen in ay qaliin ku sameeyaan xubnaha taranka ee haweenka iyagoo ku guulaystay in haweenay horay loo guday ay dib ugu soo celiyaan xubnihii laga gooyay. Dhaqtarka samaeeyay qaliinka oo lagu magacaabo Hannes Sigurjónsson ayaa idaacada Sweden u sheegay in haweenka ay iyagu aad u doonayaan in qaliinkaan lagu sameeyo.

Dr Hannes Sigurjónsson ayaa sheegay in marka lagu sameeyo qaliinka qofka ay awood u leeyihiin in ay soo celiyaan dareenkii kacsiga ee markii hore lagala dagaalamay isla markaana ay dib u soo abuuraan xubintii laga jaray. Arintaan ayaa ah mid aad iyo aad ay u soo dhaweeyeen haweenka gudniinka lagu sameeyay.

Haweenkaas ayaa waxaa ka mid ah Khadra Seerar oo idaacada uga warantay xanuunkii iyo xadgudubkii lagu sameeyay markii ay caruurta ahayd iyo dhibaatada gudniinka ee ka dhex jirta dhaqanka Soomaalida. Waxay ka hadashay in dumarka Soomaalida laga dhaadhiciyo in xubinta kacsiga ay tahay mid xun oo ay muhiimtahay in laga jaro taasoo abuurta ceeb iyo hogaansan.

Khadra ayaa sheegtay in ay ogtahay in dumar badan ay doonayaan in ay maraan qaliinka balse ay u baahanyihiin caawimaad dheeri ah.

Qaliinkaan oo horay looga sameeyay wadamada Holland, France iyo Germany ayaa ah mid awood siinaya dumarkii lagu xadgudbay ee lagu sameeyay gudniinka sharci darada ah. Waxay fursad u heli doonaan in ay soo ceshadaan xubnahooda dareenka isla markaana ay ku raaxaystaan. Taasoo ah midii lagala dalaamayay markii gudniinka lagu sameeyay in aysan kacsan oo raaxaysan.

Sidee u aragtaa arintaan?

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here